Calendar

Axmed Madoobe oo wakhti horleh loogu daray soo dhisida maamulkiisa

4747.jpg.pagespeed.ce.lV_i0_86xtErgooyinkii ka qaybgalay shirweynihii lagu unkay maamul goboleed Jubbaland ee muranka badani uu ka taaganyahay ayaa wakhti dheeri ah ugu daray madaxweynaha Jubbaland Axmed Sheekh Maxamed Islaam.

Waxaana warar hoose oo ay Bartamaha heshay sheegayaan in wakhti kordhintan loo sameeyay si fursad loo siiyo wadahadallo u socda dawlada Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Dhowr jeer oo hore ayaa wakhti la siiyay uu ku soo dhisi waayay xukuumad madaxweynaha Jubbaland taasoo keentay in ergadu ay markale ka arrinsadaan wakhtiga ka dhammaaday Sheekh Axmed Madoobe.

Waxaana dood dheer kadib ay xubnihii halkaas fadhiyay isku raaceen in 20 maalmood oo dheeri ah lasiiyo madaxweynaha si looga sal gaaro wadahadallada socda oo la doonayo in xal looga gaaro khilaafka u dhexeeya dawlada Soomaaliya oo ka biyo diiday inay ictiraafto maamulka Jubbaland iyo hogaamiyayaasha maamulka oo ku hanjabayay inay xiriirka u jari doonaan dawlada dhexe hadaysan aqoonsan maamulkooda.

Tan iyo markii la dhisay maamulka cusub ee Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay dagaalo uu dhiig badani ku daatay kuwaasoo intooda badan u dhexeeyay ciidamada Jubbaland oo ciidamo kale oo taabacsanaa rag kale oo ku dhawaaqay inay iyaguna yihiin madaxweynayaasha Jubbaland.

Waxaase haatan gacanta ku haya magaalada ciidamo daacad u ah Axmed Madoobe, kuwaasoo taageero ka haysta ciidamada Kenya oo kamid ah hawlgalka AMISOM kana saaray magaalada xoogagii Alshabaab ee horay uga talin jiray.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: