read more »">
Calendar

Dawlada Soomaaliya oo shir degdeg ah ka yeelatay ammaanka magaalada Muqdisho

Saacid_Muqdisho_2Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay shir gudoomiyay kulan looga hadlay sugida ammaanka caasimada kaasoo uu ka qaybgalay wasiirka arrimaha gudaha C/kariim Xusseen Guuleed iyo saraakiisha ugu sarreysa dhanka ammaanka ee Soomaaliya.

Waxaana masuuliyiintani ay falanqeeyeen sidii loo adkayn lahaa ammaanka caasimada oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku soo siyaaday weerarada ay gaysanayaan kooxo ka tirsan Alshabaab.

Kulankan oo saacado qaatay ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa safaaxada la hadlay wasiirka arrimaha gudaha C/kariim Xusseen Guuleed oo sheegay inay sameeyeen hawlgalo dad lagu soo qabqabtay lana xoojin doono ammaanka caasimada maalmaha soo socda.

Waxaana uu sheegay in xubno muhiim ah oo 30 gaaraya oo ciidamada ammaanku ay ku raadjoogeen lagu soo qabtay hawlgalladii u dambeeyay.

C/kariim ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho lagu guulaysan doono ayna qaadi doonaan tallaabooyin horleh oo lagu xakamaynayo weerarada ka dhaca caasimada.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: