Calendar

Dawladda oo qorshaynaysa lasoo wareegidda Bar-kulan

Muqdisho:- DFKMG ee Soomaaliya ayaa dadaal balaaran ugu jirta iney gacanta ku dhigto idaacadda Bar-kulan oo dhawaantan fadeexadii ugu weynayd abid intii ay jirtay idaacadda soo foodsaartay, kadib markii uu warfidiyeenada la hadlay mid kamida wariyayaashii idaacadda wax ka aasaasay.

13kii bishan December ayay ahayd markii Wariye Cabdiqafaar Shire uu shir saxaafadeed aad looga soo shaqeeyay ku qabtay Hotel Barakaat oo ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda Kiinya, kaasii oo uu si hoose uga warbixiyay idaacadda Bar-kulan goorta la aasaasay cidda aasaastay shirkadaha maamula iyo dhaqaalada idaacadaasi lagu bixiyo oo uu waiyuhu sheegay in la musuqmaasuqay.

Sargaal ka tirsan DFKMG ah ee Soomaaliya oo la hadlay Raadiyaha RBC isla markaana diiday in lasoo xigto magiciisa ayaa sheegay in wariyahani shaqada Bar-kulan dibedda looga saaray uu sheegay wax ay ogaan waayeen Wasiiradii hore ee soo maray wasaaradda Warfaafinta intii ay jirtay idaacadda Bar-kula, iyo saraakiisha ka shaqeysa warfaafinta Soomaaliya.

“Anigu dhabtii nasiib uma yeellan inaan ka qeyb galo shir saxaafadeedka uu Nairobi ku qabtay Wariyaha lagu magacabo Cabdiqafaar Shire oo ka tirsan warfidiyeenada Soomaaliya, iyadoo aan waliba Nairobi joogay wakhtigaasi haddana hadaan ogaan lahaa kullankaasi amaba aan ka qeyb gali lahaa hadal baan meesha ka soo jeedin lahaa wariyahana su’aallo ayaan weydiin lahaa” ayuu Sarkaalku ku adkaystay.

Waxa uuna Sarkaalku sheegay in Su’aalaha uu weydiin lahaa ay tahay bal side isaga ka wariye ahaan ay xogtan oo idl ugu suura gashay inuu ogaado sida dhaqaalaha lagu bixiyo, wasiirada meesha yimaada iyo arimo kale oo guud ahaanba la xiriira idaacadda Bar-kulan, waxa uuna qiray in wasaaradda warfaafinta dawladda ay muhiim u tahay iney wariyahaasi lakulanto, isla markaana weydiiso xog farabadan waayo waxaa dhici karta inta uu haatan sheegay inuu ka badan amaba in lamid ah uu ka ogyahay Bar-kulan.

Dhinaca kale Sargaalku waxa uu wariye Cabdiqafaar Shire ku taageeray in dhaqaalaha Bar-kulan ay tahay kii sida saxda ah loogu talo galay in lagu maareeyo laguna hormariyo qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Soomaalida, isla markaana loo weiiciyo qaybahaasi

“Xaqiiqdii sida uu wariyuhu sheegay wey muuqataa in dhaqaalahan loogu talo galay in lagu hormariyo warbaahinta Soomaalida noocyadeeda kala duwan si ay uga qeyb qaadtaan dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxaana taasi kuu muujinaysa in Dawladdu ay wayso dhaqaalaha lagu maareyn lahaa idaacadda codka dawladda ku hadasha ee Radio Muqdisho, waxaa kale oo kuu muujinaya arimahaasi sida warbaahinta Soomaalida oo idl ay maallmahan oo idil ay u warhaysay hadalada iyo khudbadda wariye Cabdiqafaar Shire oo soo bandhigay hadal ka gadmay Soomaalida waxa uuna ku booriyay baarlamaanka iyo xukuumaddu iney ka shaqeeyaan sidii ay uga hadli lahaayeen Bar-kulan dhibaatooyinka ka jira islamarkaana xukuumadda loogu boorin lahaa iney arintani wax ka qabato ayuu sargaalku hadalkiisa raaciyay,isagoo sargaalku qiray in xukuumadda ay waajib ku tahay iney ogaato dhaqaalaha lagu bixiyo, maamulka iyo qaab dhismeedka idaacadda Bar-kulan.

Wariye Cabdiqafaar Shire, Madashii Kullanka Barakaat Hotel

Sargaalka oo diiday inaan magiciisa xigano sababo la xiriira inuusan ruqsad u haysan inuu arimahani ka hadlo ayaa qiray in haddii Dawladdu aysan ka hadlin arintani ay soo wajihi doonto kalsooni xumo uga timaada dhinaca shacabka oo haatan la doonayo in la kasbado islamarkaana loo soo dumo qaabka ugu sahlan ee ay u taageeri lahaayeen xukuumadda Cusub.

Dhinaca kale warar aanu ka helayno magaalada Nairobi ee caasimadda Kiinya ayaa sheegaya in DFKMG ah ee Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidaa ay ula fariisan lahayd Qaramada Midoobay si ay ugala hadasho in lagu soo wareejiyo mashruuca lagu maamulayo idaacadda Bar-kulan oo u muuqata mid dhaqaalaha lagu bixiyo lagu tagrifalay dawladuna aysan waxba kala socon marka laga tago wasiirada salaanta u taga xafiiska Bar-kulan sida lagu sheegay Warsaxaafadeedkii uu soo bandhigay Wariye Cabdiqafaar Shire, waxaana la filayaa in maalmaha foodda inagu soo haya ay magaalada Nairobi soo gaaraan ilaa iyo shan wasiir oo kamida xukuumadda Ra’iisul wasaare Farmaajo si ay gabaiba xukuumadda Soomaaliya ula wareegto mashruuca idaacadda Bar-kulan.

Dhinaca Dawladda Puntland ayaana ilaa hadda wax jawaaba kasoo saarin arintani, waxayna maamulku baryahaanba u muuqdeen kuwo ku mashquulsan qabasahada iyo marti galinta tartanka Kubbadda Cagta ee Gobolada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdixakiim Axmed Guuleed

Waxaase la filayaa in dawladda Puntland ay maalmaha foodda inagu soo haya ay arintani kasoo saaraan wareegto amaba bayaan ay markaasi uga hadlayaan mashruuca iyo dhaqaalaha ku baxa idaacadda Bar-kulan oo loogu talo galay in lagu hormariyo warbaahinta kala duwan ee Soomaaliya.

Maahan markii ugu horeysay oo idaacadda shaqadeeda laga ruqseeyo wariye Soomaaliya iyadoo idaacaddan horeyba loogu sheegayay idaacad uu aad u hareeyay Musuqmaasuq, islamarkaana saameeyay gudahadeeda balse fadeexaddan hadda kazoo baxday mid kamida Wariyayaashii idaacadda Lagu aasaasay ayaa noqonaysa dhibaato weyn oo kusoo fool elh idaacadda Bar-kulan iyo iney si toosa u soo faragaliso DFKMG ee Soomaaliya iyadoo xukuumaddan cusubna ay sheegtay in muddo ku siman 100 maalmood ay ku hirgelinayso hawlo iyo mashaariic farabadan.

Hase ahaatee Warbaahinta Soomaalida ayaa saddexdii Maalmood ee ugu dambeysay si aada u hadal haysay fadeexadda uu wariye Cabdiqafaar Shire kasoo dhiraandhiriyay idaacadda Bar-kulan oo ay Soomaali badani u taqaano idaacadda AMISOM, waxa uuna ku tilmaamay idaacadda ugu musuqmaasuqa badan Soomaaliya, waxa uuna sheegay in idaacadaasi ay taageerto Qaramada Midoobay oo dhaqaalaha u soo marisa hay’ad lagu magacabo UNSOA.

Dhinaca kale waxaana si rasmiya looga warqabin shaqada ka tagidda Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire iney ku lug leedahay qabyaaladda xooggan ee lagu xanto iney Bar-kulan ka jirto hase ahaatee Wariyuhu arintaasi waa uu ka gaabsaday waxa uuna toos uag hadlay dhibaatooyinka iyo hagardaamada ay Ajaaniibtu ku hayso wariyayaasha Soomaalida ah ee ka hawl gala idaacadda Bar-kulan.

Xigasho RBC Radio
Muqdisho

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: