Calendar

Doorasho ka socoto Somaliland

Dooraashada deegaanka ee Somaliland ayaa saakay loo dareeray iyadoona ay dadka safafka soo buuxiyeen xilli habeenimo oo waqtiga gudaha aheed 3:00am iyadoo jawiga u ahaa mid qaboow.

Meelaha codadka laga dhiibanayo ayaa furmay subaxnimadii wallow ay jirtey meelaha qaar oo dib u dhac ka dhacday, kuwaas oo la furey xilli danbe oo subaxnimadii.

Dadka reer Somaliland gaar ahaan dhalinyarada ayaa ah kuwa ugu badan ee safafka buuxiyey kuwaas oo aad ugu muuqato farxad badan iney codkooda dhiibanayaan oo soo dooranayaan dadkii ku matali lahaa deegaankooda.

Sidoo kale Dad qurbaha ka yimid oo kasoo jeeda Somaliland ay joogay kuwaas oo ka qeyb galaya codeynta, kuwaas oo farxad badan ay ka muuqato, waxana ay shegayaan iney arkeen shucur nabadeed oo dadka ay iney diyaar yihiin arkayaan.

Gudoomiyaha guddiga doorashada Saciid Yuusuf Xamari sheegay iney meelaha dorashada ay si wanagsan uga socotay, waxana u sheegay iney jirtey caqlado yar yar oo farsamo oo dhacay kuwaas oo la xaliyey waxana u xusay in guud ahaan Somaliland ay doorashada ka dhacday, marka laga reebo goboladda Bari oo amaanka awgeed loo baajiyey.

Goob joogayaal caalami ah ayaa jooga doorashada kuwaas oo matalaya ilaa 28- wadan iyadoona sidoo kale ay joogaan wakiilo ka socday bulshada rayidka ee deeganada Puntland iyo koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo doonaya iney arkaan sida ay doorashda ka socoto.

Waxa kale oo jira goob joogayaal kale oo gudaha oo ka socda deeganaada ay ka dhacayaan dorashada, waxana meelaha codeynta jooga dad matalaya xisbiyada 7-da ee doorashada ka qeyb galaya.

Ururuada doorashada ka qeyb galaya ayaa aad ugu rajo wayn sida doorashada kusocoto oo sheegaya iney rajeynayaan

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamud Siilaanyo oo codkiisa dhiibtey waxa uu sheegay inu rajeynayo iney umada guul u noqoto doorashada iminka socoto.

Dadka dhiibanayo codadka ayaa sheegaya iney ka doonayaan dadka ay u codeynayaan iney deeganadooda wax badan ka badalaan oo ku jiraan iney hormar ka abuuraan isla markaane ay shaqooyin abuuraan.

Warar kale, Sawiro iyo Muuqaalo ayaa dhawaan idin soo gudbin doona Inshalah

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured.
« »

Comment: