Calendar

Wasiirka arimaha gudaha oo jooga Baladweyne

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa jooga magalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wasiirka arimaha gudaha C/kariim Xuseen Guuleed ayaa saakay tagay magalada Baladweyne iyadoona ay ku wehliyaan safarkiisa wasiirka Kheyraadka dalka oo naftiisa kasoojeeda gobolka Hiiraan iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa u tagay magalada Baladweyne si u soo indha-indheeyo xaaladda amaanka gobolka oo baryihii ugu danbeeyay faraha kasii baxayay oo shalaytane lagu diley Baladweyne gudoomiyihii odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Cabdi Kariim Xuseen ayaa waxa uu kulamo kula leehyahay deegaanka deegaanka Ceel Jaale ee duleedka magaalada  saraakiisha gobolka iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee kamidka ah howl galka AMISOM.

Waxa la filayaa in wafdiga ay dib ugu laabtaan galabnimadan magalada Muqdisho iyadoona diyaaradii waday ay taagan tahay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: