Calendar

Fanaanka Caanka ah Maxamed Sulaymaan Tubeec oo maanta lagu Aasayo Muqdisho

Muqdisho_ Waxaa lafilayaa gelinka dame ee maanta in magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyo maydka AUN. Fanaankii caanka ahaa Maxamed Sulaymaan Tubeec oo dhowaan ku geeriyoday Cisbitaal ku yaala dalka Germany.

Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo lagasoo dejin doono maydka fanaanka, ayaa waxaa xiligani ku sugan xubno katirsan gollaha wasiirada, xildhibaano iyo fanaaniin.

Salaada janaasada ayaa maydka marxuumka lagula tukan doona Masaajidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho, waxaana Aaskisa kaqaybgeli doona dad farabadan.

www.Bartamaha.com

 

 

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: