Calendar

Fu’aad Shongole oo Soomaalida ugu baaqay jihaad ka dhan ah AMISOM.

Shongole

Bartamaha (Muqdisho):- Fu,aad Maxamed Shongole oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab dhawaana uu dhaawac ka soo gaaray qaraxii lala beegsaday Masjid uu Kitaab ka aqriyo kuna yaal Suuqa Bakaaraha ayaa ugu baqaay umada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay isku diyaariyaan Jihaad ka dhan ah ciimada nabad ilaalinta ee Midowga Africa ee ku sugan magaaladda Muqdisho.

“Waxaan la hadlayaa kuwa degan Dhoobleey, waxaan la hadlayaa Soomaalida degan Puntland, waxaan la hadlayaa Soomaalida ku nool Soomaaliladn iyo dhamaan umada muslimiinta meel kasto oo ay joogaan in ay isu diyaariyaan dagaal ka dhan ah gaalada saliibiyiinta ah ee dalkeena joogta” ayuu intaasi kusii daray Fu,aad Shongole.

Fu,aad Maxamed Shongole ayaa dhanka kale baaqay dhamaan shaqaalaha dowlada in ay towbad keenaan oo ay kasoo baxaan waxa uu ugu yeeray dowlada ridada ah.

Sarkaalkaan oo maanta boqolaal dadweyne ah oo u badan Shabaab kula hadlay masaajidka dabaqeynka ee degmada Yaaqshiid ayaa ugu naseexeeyey dhamaan dadka u shaqeeya dowlada KMG in ay hada u furantahay towbad oo ay kusoo biiraan Al-Shabaab.

Mr Shongole ayaa sheegay in Shabaab iyo Dowlada ay ka dhaxeyso Soomaalinimo isaga oo Shabaab ku tilmaamay Ahlu Toowxiid Dowladana ku sheegay Ahlu Riddo.

“Inkastoo aad tihiin murtadiin anaga aan nahay ahlu toowxiid hadana waxaa naga dhaxeyso Soomaalinimo ee walaalayaal towbada waa furantahay ee hada kasoo laabta gaalnimada aad ku jirtaan inteey goori goor tahay” ayuu yiri.

Fu,ad Shongole ayaa Sabtidii ka badbaaday qarax lagu rabay in lagu qaarijiyo kaasoo ka dhacay masaajid ku yaala gudaha Suuqa Bakaaraha

xafiiska Bartamaha ee Muqdisho.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: