Calendar

Geeri naxdin leh oo ku timid Shiikh Abdiwali Mohamed Yusuf oo xalay ku geeriyooday Minnesota

 timthumb

Bartamaha (Minnesota):-Inaa lilaahi wa inaa ilahayhi raaacuun Shiikh Abdi wali Mohamed Yusuf allaha u raxmado xalay ayaa wadnahu istaagay mana soo toosin sidii uu u seexday, Shikh Abdiwali ayaa ahaa wadaad ka tegay umadda soomaliyeed shiikha waxaa farxad u ah in uu ku geeriyooday guri hooyadiis oo uu la seexanayey habeen ka dib markii ay lug ka jabtay.

Allaha u naxariistee Shiikh Abdiwali Mohamed Yusuf wuxuu ka mid ahaa ducaadii iyo Soomaalidii ka qayb qaaday dhismaha Masaajidka Abuubakar Sadiiq wuxuuna ka mid ahaa maamulkiisa inkastoo oo dhawaan uu ka fariistay maamul ka masaajidka.

Shiikh Abdiwali wuxuu ka mid ahaa dad kii ugu horeeyey ee fura xafiisyadii ugu horeeyey ee Xajka iyo Cumrada wuxuuna ahaa mulkiilaha Salama Travel agence
Shiikh Abdiwali oo ahaa walaalkeen gaar ahaan saaxiibkiis wuxuu ii sheegay intii uu noolaa in uu markhaati uga kacayo in uu soo Xajiyey in ka badan 10 sano ma hubo ayuu yiri in ay isku xigeen iyo in kale laakiin walaalka oo aad u tawaadac badnaa wuxuu ii diiday in uu ii sheego in ay isku xigeen iyo in kale wakhtigaas dheer.

Sheikh Abdiwali waa aabbe dhowr caruur ah ka tegay hooyadiis baari u ahaa aad u jeclaa Culumada iyo diinta wuxuu ahaa oo aan markhaati oga nahay nin aad u aamusbadnaa Allah ha u raxmadee Sheikh Abdiwali ma ahan shakhsi aan soo koobi karno doorka iyo kaalinta uu ku lahaa bulshada soomaliyeed ee degan dalka Maraykanka gaar ahaan Gobolka Minnesota Minneapolis.

Inaa lilaahi wa inaa ilaahay raajacuun rabiyoo u naxariiso rabiyow janatu fardowsa ka waraabi allahayow adigaa qaniyee cidna kuguma tazkiyeynayno waxaan khayr iyo wanaag ahayn kuma ogin rabiyow naxariistaada ugu deeq walaalkeen Shiikh Abdiwali anagana imaanka iyo diinta nagu sug.

Samir iyo Imaan allah ha ka siiyo qarabaada iyo ehelka uu ka taga
Abdiwali Dalboon

Minnesota, US

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Minnesota, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: