Calendar

Jaaliyada Soomaalida Holand oo shir yeeshay (Sawiro)

Bartamaha (Holand):- Shirkan oo ah mid sanadkii ay soo qabanqaabiso jaaliyada somalida ee westfriesland ayaa waxaa looga hadlay xaalada jaaliyadaasi,iyadoo ujeedka shirkana ahaa sidii loo sameyn lahaa isku xirka bulshada deegaankaasi degan iyo iska caawinta wixii dhibaatooyin ah ee la soo gudboonaada.


Dhaqane Aden oo ahaa xiriiriyee shirka Somalida uga furmay Magaallada Hoorn ayaa ku dheeraaday ujeedada shirka,isagoona dhinaca kale uga mahadceliyey kasoo qeybgalayaashii shirka sida ay u yimaaden una dhowreen waqtiga,waxaana uu dhinaca kale carabkiisa ku balaariyey inay tahay farxad weyn isku duubnida ka muuqata jaaliyada gobolka Westfriesland,waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gudoomiyaha Jaaliyada Westfriesland Sheikh Ahmed Nuur oo lagu soo dhaweeyey cod-baahiyaha ayaa ku dheeraaday ka hadalka jaaliyada iyo wixii ay soo qabatay,intaasi kadibna waxa uu sheegay inay sanadkan xooga saari doonaan sidii somalida gobolkaasi degan ugu sameyn lahaayeen iska warqab,waana mida looga bixi karo ayuu yiri kala daadsananta heysata somalida ku nool gobolkaasi.

Waxaana isla fikirkaasi isagana sii xoojiyey Guddoomiye ku xigeenka Abdirashid Ali bootaan oo sheegay in haddii umada laga waayo iska warqab ay adeg tahay inay wax u qabtaan,waxaana uu somalida meesha joogtay ka dalbaday inay u istaagan midnimadooda iyo sidii ay wax ula qeybsan lahaayeen dadka u dhashay dalka ay joogaan. hadalka madaxda jaaliyada ayaana u muuqda mid ay ku mideynayaan somalida gobolkaasi.

Dhinaca kale waxaa iyagana shirkaasi kasoo qeyb galay ,oo goobta joogay ururka caawiya qaxootiga wadanka Holland,kuwaasi oo sheegay inay had iyo jeer somalida ula diyaar yihiin garabsiintooda,laakiin waxay intaasi ku dareen in taasi lagu gaari karo marka ay arkaan somali isku duuban,isla markaana kawada shaqeynaya horumarin doonta,waxaana Haweeneydii ka socotay ururkaasi oo lagu magacaabo MSS,Daino ay sheegtay inay si gaar ah somalida gobolkaasi uga caawin doonan barashada luqada Holland iyo ku hadalkaba Iyagoo u xilsaari Doona dad gooni ah.

Shirka ayaa dhinaca kale waxa uu fursad dahabi ah u ahaa,carurta Somaliyeed ee halkan ku dhalatay,kuwaasi oo fursad u hela sanadkiiba hal mar in sidan la isugu keeno si ay ugu wada hadlaan luqadooda hooyo,waxaana waalidiintii iyo dadkii kale ee kasoo qeybgalay shirkaasi sheegeen inay si weyn usoo dhaweynayaan wixii kasoo baxay madashan ay isugu timid jaaliyada Westfriesland.

Shirka ayaa sanadkiiba mar dhaca,waxaana soo qabanqaabiya Jaaliyada Somalida,waxaana kasoo qeybgala oo lagu casumaa saxaafada qeybaheeda kala duwan,si ay usoo tabiyaan warbixinada iyo muuqaalada halkaasi lagu soo bandhigayo,waana jaaliyada kaliya ee sameysatay sanadkiiba mar inay u asteeyeen kulankooda.

Abdi Isma’il Abdi
Hoorn,Netherlands.

Sawiro:-

dhaqane6

dhaqane5


dhaqane3

dhaqane2

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: