read more »">
Calendar

Golaha Wasiirada oo dib u eegaya Walaaca Beesha Caalamka(War-saxaafadeed)

golaha wasiiradaBartamaha (Muqdisho):-  Golaha Wasiirada Xukumada Soomaaliya ayaa dib u eegaya go’aankii Golaha Baarlamanka oo sababay walaac beesha Caalamka ay ka muujisay waqti isku kordhinta Xildhibaanada.

War-saxaafadeed:-

Shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada ayaa looga dooday Hab-raaca marxaaladda kala-guurka ee dalka oo ku eg 20ka Agoosto, 2011 waxaana shirkani guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Golaha Wasiiradu waxay isla soo qaadeen go’aankii uu Baarlamaanka FKMG ahi ku kordhistay muddada saddexda sano ah taasoo ay ku tilmaameen goluhu in Baarlamaanku uu u arkay arrin lagama maarmaan ah si dalka uusan u gelin xilliga kala guurka ah nidaam Dastuuri la’aan; hase ahaatee ay golaha Wasiiradu wadeen qorshe ku aadan arrintaasi.

Dhanka kale, beesha caalamka dhaliisha ay u soo jeediyeen go’aankii Baarlamaanka uu ku kordhiyay mudada saddexda sano ah, ayaa golaha wasiiradu waxay tixgeliyeen walwalka beesha caalamka ka heysta go’aanka halka dhinac ah ee muddo kordhisashada Baarlamaanka iyo fashil kale oo ku yimaada hay’addaha Dastuuriga ah, sidoo kale, goluhu waxuu soo dhaweeyay shirarka iyo talo ku soo biirinta ka imaanaysa beesha caalamka, wuxuuse isla qiray go’aanka kama danbaysta ah inuu leeyahay shacabka Soomaaliyeed oo ku matalan dawladdiisa.

Ugu dambeyntii, goluhu wuxuu go’aansaday inuu sii wado dowrkiisa muhiimka ah, wadatashi ballaaranna uu la sii wado hay’addaha dowliga ah ee ay quseyso, qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si looga fogaado inuu dalku meel cidlo ah ku soo dhoco (Political Vacuum) lana waayo hay’addihii Dastuuriga ahaa ee dalka.

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada FKMG ah
Mudane Cabdi Xaaji Gobdoon

Comments

comments

Category : The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: