Calendar

Kooxaha Banaadir iyo Muqdisho oo fooda isku darey koobka SFFUK 2010(Daawo Sawirada)

logo-yarBartamaha (London):- Waxaa si habsami ah uga socda Galbeedka magaalada London, waxaana shalayto wada ciyaarey labada kooxood  ee kale ah Kooxda Banaadir oo ka dhisan waqooyiga magaalada London, halka kooxda Muqdisho oo ka dhisan tahay Koonfurta magaalada London.

Koobka Somali Football Festival UK waxaa maamulkeeda gacanta ku haayo urur ay u dhan yihiin ciyaartooydii hore ee kubadda cagta dalka Soomaaliya, waxaana ku loolamaya ilaa 8 kooxood oo ka dhisan dalka Ingiriiska, ilaa haatana waxaa la dheelay labo ciyaarood, dhamaantoodna ku soo dhamaadeen barbar dhac.

Ciyaarta qaybteedii hore ayaa u suurtagashay kooxda  Banaadir inay labo goal ka dhaliyaan kooxda Muqdisho, halka ciyaarta qaybteedii dambe u suurtagashay kooxda Muqdisho inay bareejeyaan Banaadir, balse ciyaartii waxay ku soo dhamaatey 2 iyo 2.

Ciyaarahaan ayaa si xiiso badan uga socda Galbeedka magaalada London, waxaa la filayaa inay ka sii socon doonaa ilaa 4 bisha Agoosto oo lagu wado in ciyaarta finalka lagu qabto garoonka weyn Linford Christie.

Waxaan idin balan qaadayaa idin kaga soo waramo ciyaaraha xiisaha badan ee ka socda koobka Somali Football Festival UK 2010  hadii Allah idmo

Daawo Sawirada:-

Mogadisho

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Banadir

W/D: Yusuf Yusuf

[email protected]

London

Comments

comments

Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports, The Story, UK & Europe, Wararka Maanta.
« »

Comment: