Kooxda Muqdisho oo u awood sheegatey galabta kooxda Horseed koobka Nabada iyo soo noolaynta kooxihii hore.

Posted on Oct 18 2009 - 3:48am by News Desk
Tweet
Pin It

v 

London – Muqdisho — Ciyaar aad u xiisa badnayd ayaa galabta garoonka iskoolka Booliska oo ku yaal degmada Xamar Jajab ku dhaxmartey kooxaha kale ah kooxda Muqdisho ( Minishiibiyo) ee Gobalka Banaadir iyo kooxda Horseed ee xooga dalka Soomaaliya ee Wasaarada Gashaandhiga.

Ciyaarta oo ay ka soo qayb galeen madaxda ka tirsan Dowlada Soomaaliya sida Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada mudane Saleebaan Colaad Rooble , Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dhagaxtuur iyo dadwayne Soomaaliyeed oo tiro badan si ay u daawadaan kooxaha Horseed iyo Muqdisho oo ku tartamaya koobka loogu magacdarey Koobka Nabadda iyo soo noolaynta kooxihii hore ee dalka Soomaaliya sida Jeenyo, Horseed, Betroolka, Muqdisho iyo kooxda Heegan.

Kooxda Horseed oo ay macalimiin u yihiin macalin Abdi Kuus iyo Shaarkeey ayaa furitaankii tartankaan 4 goal iyo 0 kaga soo badiyay kooxda Jeenyo ka Jeenyo ( LLPP), halka kooxda Muqdisho ( Munishiibiyo) ay u ahayd galabta ciyaartii kowaad ee tartankan ka furmay magaalada Muqdisho labo maalin ka hor.

Kooxda Muqdisho ayaa sida la sheegay waxaa u safan  ciyaaryahan Cabdi Fataax Shaaweey oo ah wiil dhalinyaro ah islamarkaana haya xilka ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatey xamaasad ay muujinayeen ciyaaryahanada labada naadi ee taariikhda ku leh kooxihii wadankeena ka dhisnaan jirey barisamaadkii xiligii ay dalkeena ka wanaagsanaa xaalada uu maanta ku sugan yahay islamarkaana ay u soo dheeleen laacibiin magac iyo maamuus ku lahaa bulshadeena Soomaaliyeed.

Ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatey labo goal ioo ay dhaliyeen kooxda Muqdisho halka kooxda Horseed aad moodo inay guushii kooxda Jeenyo ay ka badiyeen inay moodeen inay ku badbadayaan islamarkaana garoonka kaga dareen natiijo la’aan ( fara marnaan eber).

Kooxda Muqdisho ayaa waxaa u safnaa Cabdi fataax Shaaweey oo aad moodo in wax badan inay iska badaleen tan iyo markii uu dibada uga soo baxay magaalada Muqdisho islamarkaana uu soo gaarey magaalada London, isagoo bahda Sports magaalada London kulan ay kula yeeshay sida ciyaaryahankii kooxda Muqdisho Daahir Gacamay iyo taageere Mohamed Buuwe ayna ku balameen inuu wax badan ka qabto kooxda Muqdisho iyagana ay ka soo taageeraan kooxda dibada.

Labada goal ay dhaliyeen kooxda Muqdisho mid ka mid ah waxaa baaska si qurux badan ugu gudbiyay Jaalle Shaaweey yare ciyaaryahankii dhaliyay goalka.

Mar aan maanta qadka telefoonka kula hadlay ciyaaryahanadii kooxda Horseed sida Siciid Ceyroow oo jooga magaalada London iyo Kabtan Shaash ayay ii sheegeen inay run ahaantii ku faraxsan yihiin in kooxda Horseed maqlaan islamarkaana ay halkaan ka salamayaan macalimiinta kooxda Horseed sida Macalin Abdi Kuus iyo Shaarkeey iyo dhamaan ciyaaryahanada kooxda Horseed iyo taageerayaashooda.

SICIID CEYROOW ‘’  In Muqdisho naga badiso maanta waxbo uma arko laakinse waxaan ku sheegayaa inaan beerka   ka xashirin doono kooxaha BETROOLKA & HEEGAN labada ciyaarood ee nooga harsan tartanka Nabadda iyo  soo noolaynta kooxihii hore ayuu yiri laacibkii kooxda Horseed  SICIID CEYROOW oo ay iga muuqatey kalsooni badan uu ku qabo kooxda Horseed.

KATBAN SHAASH ‘’ Dhib uma arko waa la iska badiyaa cayaaraha laakinse muhiimada ay aniga ii leedahay maanta waxaa weeye in kooxda Horseed dib boorka looga jafo islamarkaana aan tusno in dib loo soo celin karo kooxihii hore xaqiiqdana aysan jirin cid qarin karta ayuu yiri The Man of 3 Captain IBRAAHIM MOHAMED ALI ‘’ KABTAN SHAASH’’ oo degan dalka Jarmalka.

Waxaa xusid mudan in kooxaha Horseed iyo Betroolka ay hada ka hor garoonka ciyaar ku dhaxmaraysay inay gacmaha isku la tageen dhamaan ciyaartooyda labada naadi 30 sano ka hor.

Docda kale qaar ka tirsanaan jirey ciyaaryahanadii kooxda Munishiibiyo oo ku magac dheer  BAALDI sida Dahir Gacamay , Cabdi Nur Ali Rooble iyo ganacsadaha kooxda Muqdisho taageera Mohamed Buuwe ayaa ii sheegeen inay ku jiraan qaban qaabo shir ay kooxda  Muqdisho ay taageero ugu fidinayaan hadii ay yihiin ciyaartooydii hore ee kooxda iyo taageerayashoodii kuwooda ku nool Qurbaha, islamar ahaantaana soo dhaweeyay guusha ay kooxda ku biloowday tartanka Nabadda iyo soo celinta kooxihii hore.

Duran Farah oo ku magacaaban ku xigeenka GOS iyo Baana Cali oo isna ku magacaaban xoghayaha XSKK oo labaduba degan magaalada London ayaa qadka telefoonka iigu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin ciyaaraha ka socda magaalada Muqdisho islamarkaana ku tilmaamay Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane halyeey Saleebaan Colaad Rooble muwaadin daacad ah oo wax badan in la qabto u diyaar ah, halka XSKC iyo madaxdooda oo lagu martiqaaday inay ka soo qayb galaan tartanka ka furmay magaalada Muqdisho ay ka baaqsadeen, islamarkaana ay ka wadaan magaalada Nairobi qorshe ay ku doonayaan koox Qurba joog ah inay kaga qayb gasho magaca xulka dalka Soomaaliya tartanka Bariga iyo bartamaha Afrika oo lagu wado in aaqirka sanadkaan lagu qabto magaalada madaxda dalka Kenya ee Nairobi balse looba joogee.

( Halkee jiraan madaxdii  Sports Soomaaliya( GOS & XSKC) ee caalamka laga aqoonsan yahay? Waa su’aal da waynoo madaxa daalinaysee dalkaan ( Soomaaliya) yaa iska leh? Dadkaan ( dhalinyaradaan) Soomaaliyeed) yaa u maqan?

WQ – Yusuf

Xigasho – SSPA MEDIA