read more »">
Calendar

Maamulka Islaamiga ah ee Baardheere oo Digniin u diray qaar kamid ah Hay’adaha ka howlgala Degmadaasi.



Maamulka Islaamiga ah ee Gacanta ku haya Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay digniin u jeediyeen Hay’adaha Samafalka ah ee iyagu sida tooska ah uga howlgala degmadaasi iyo weliba kuwa kale ee booqashada ku yimada Degmada Baardheere kuwaasi oo kormeera Xaaladaha Deegaanada gobolka Gedo..

C/llaahi Cismaan Jibriil  Taliyaha Ciidamada Ammaanka Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Baardheere oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in ay digniin u jeedinayaan qaar kamid ah hay’adaha samafalka oo uusan magacooda shaacin, waxaa kaloo uu sheegay taliyaha in maamulku uu ka warqabo dhaqdhaqaaqyo ka baxsan arrimaha samafalka oo ay hay’adaha ka bilaabeen gudaha Baardheere, taasoo uu ku tilmaamay howlo Jaajuusnimo ah, oo ay ku baahinayaan sirta islaamka sida uu yiri

 Inkastoo uusan taliyaha amniga magaacabin kuwa ay yihiin hay’adaha samafalka ee loo digay iyadoo dagmada ay ka howl galaan hay,ado dhowr ah  ayuu haddana xusay in ay si gaar ah ula socdaan shaqooqinka hay’adaha samafalka, isagoo dhan kale muujiyey in maamulka Baardheere uu isha ku hayo kulamo siyaasadeed oo xiriir la leh buu yiri qolyaha Doolow ku sugan oo gudaha Baardheere maalmahan ka socda.

Waa markii ugu horeysay oo Maamulka Deegaankaasi ay ku u digaan Hay’ad gargaar tan iyo intii ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Baardheere  waxaana ay arintaani ku soo beegmeysaa Xilli ay abaaro baaxad leh ka jiraan Guud ahaanba gobolka Gedo.

 

Warar Xaqiiq ah Kala Soco www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: