Calendar

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta Shirjaraa’id ku qabtay Muqdisho isagoo u muuqday Nin Caafimaad qaba (DAAWO SAWIRADA)

12Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhawaanahan Muran xoogani ka jiray Noloshiisa ayaa maanta isasoo hortaagay Suxufiyiinta Muqdisho ka dib markii uu in mudda ah maqlayay wararkii qeexayay Dhaawaca ama Dhimasho ka soo gaartay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Wabxo.

Sheekh Xasan Daahir Aweys Gudoomiyaha xiligan ee kooxda Xizbul Islaam ayaa maanta si rasmi ah u horyimid bahda warfidiyeenada Muqdisho ka dib markii maalmihii la soo dhaafay hadalkiisa uu goobta ka baxay iyadoo la shaaciyay in uu ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Wabxo iyadoo la sheegayna in dhaawacaasi uu u geeriyooday.

Wadaadka Hogaamiye Diimeedka ah oo maalmahan noloshiisa ay shaki ku jirtay ayaa xalay waxa uu hadal kooban siiyay Idaacad ku taala magaalada Kismaayo taasi oo ay leeyihiin islaamiyiinta ay saaxiibada yihiin Ee Alshabaab iyadoo uu si kulul ugu beeniyay codkaasi in uu dhaawacmay taasi oo maanta run u muuqatay maadaama uu muqdisho ku hadlay wadaadku.

Shirkiisii Jaraa’id ee maanta ayaa waxa uu si kulul ugu eedeeyay dowlada Maraykanka in ay abaabulka dagaalada ka socda dalka ay leedahay taasi oo uu tilmaamay in ay ku fashilmi doonto dagaaladaasi maadaama uu sheegay ay horay uga guuleesteen Kooxdii Isbahaysiga argagixisa la dirirka iyo sidoo kale Dowladii Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyadoo uu ku goodiyay in dowladan haatan jirtana ay cagaha u laabi doonaan.

Sheekh Aweys ayaa sidoo kale ku eedeeyay wadamada reer galbeedka ah in ay ka danbeeyaan sii korodha awooda raga burcad badeeda ah taasi oo uu sheegay in ay awood ay ku dhamayn karaan ay leeyihiin balse 30-Markab ee dagaalka ay haatan qorshaynayaan sidii ay ku banaysan lahaayeen soo galitaankooda gudaha dalka soomaaliya.

Gudoomiyaha Xizbul Islaam ayaa ugu danbayntii shaaca ka rogay in ay sii wadi doonaan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho iyo goboladaba tan iyo inta ay ka guuleysanayaan cadowga oo uu ku tilmaamay dowlada haatan jirta iyo ciidamada shisheeye ee dalka jooga ,waxa uuna hadalkiisii u afmeeray in ay doonayaan in arimaha soomaaliya loo madaxbaneeyo umadda soomaaliyeed.

21

31

42

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: