Calendar

Shirkii Jaaliyaadka Soomaalida Ogadeeniya ee Waqooyiga Maraykanka oo ka dhacay Minneapolis

shirkaMinneapolis  —  Waxa ka dhacay magaalada Minneapolis ee Dhulkaasi Maraykanka Shirweynihii Jaaliyada Somalida Ogadeeniya ee waqooyiga Amerika.Shirka oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiinta Jaaliyaadka Wadanka Maraykanka iyo dalka Canada oo ay aad uga dhex muuqdeen dadweynaha reer Meneasota oo aan iyaku u kala hadhin; Aqoonyahanka, Salaadiinta, Hooyooyinka iyo Culimada, Dhalinyarada iyo waxgaradka Somalida Ogadeeniya ee ku nool Waqooyiga Maraykanka, kuwaas oo tiradooda ay kor u dhaafaysay 350 ruux.
Waxaa iyana shirka ka soo qaybgalay wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Sare ee Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo] Halgame Eng. Saalaxdiin Cabdiraxmaan Macoow iyo Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Bulshada iyo Jaaliyaadka Col. Cabdiwali Xuseen Gaas oo  ayagu ka tegay Qaarada Yurub.
Furitaankii shirka ka dib waxa halkaa ka hadlay ugu horayntii afhayeenka JWXO ee Waqooyiga Amerika Mudane Maxamed Faarax Colow [Dhagjar], Halgame Col, Axmed Sheekh Doodi oo ka mid ah aas aasayaashii JWXO iyo Dr Cabdi Aar Sahal oo dhamaantood ka hadlay dhibaatada Gumaysigu ku hayo Shacabka Ogadeeniya,marxaladihii uu soo maray ,sida ay waajib u tahay in laga xoroobo Gumaystaha madow,hal ku dhegna uga dhigayey “Yes we can liberate Ogaden”.
Ka dibna waxaa lagu soo dhaweyey Gud:Saalaxudiin Macoow iyo Col:Cabdiweli Gaas oo labaduba halkaa ka akhiryey khudbado isugu jira warbixino,Midnimo, Mintidnimo, Wadatashi, Guul iyo Gobonimo sidii loo gaari lahaa,loona dhinto sidii Dr Mohamed Siraad Doolaal(AUN).
Shirkan waxaa kale oo iyana si xoogan uga soo qayb galay Dadweyne iyo waxgarad aad u badan oo u dhashay Jamuuriyad-weynta Somaliya ee aan walaalaha nahay.
saxaafada joogtayna waa TV Bartamaha,RBC Radio Raxanreeb,Somaliweyn iyo TV Somali-media.

Halkan ka daawo qaar ka mid ah sawiradii xafladda

dsc00094shir

dscn0451shirka

dscn0452shirka

dsc00093shirka

dsc00092shirka1

Bartamaha Minneapolis

Comments

comments

Category : Featured, Minnesota, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: