Calendar

South Africa oo semi-final u soo baxday koobka confederation

south-africa_1423407cBartamaha —  Inkastoo xulka spain uu uga badiyay 2-0 kooxda kubbada cagta ee wadanka south africa hadana waxay u soo baxeen wareega xiga ee semi-finalka kadib markii ay barbardhac ku dhamaaatay ciyaartii dhexmartay xulalka ciraaq iyo newzeland oo ay isku guruub yihiin. south africa oo ah wadanka koobkan lagu qabanayo ayaa waxay aad isugu dayaysay in ay badiso ama barbardhac keento balse waxaa taas uga dhaartay xulka spain oo ah xulalka aduunka ugu awooda roon. Waxaa ciyaarta haafkii hore sifiican u mamulanayay kooxda spanishka  wuxuuna haafkii hore ku soo afjarmay 0-0 balse qaybtii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 51 aad ayaa goolkulaad loodhigay xookda spain laakiin gool hayaha south africa ayaa badbaadiyay. Daqiiqad kadib  ayaa weerar yahanka reer spain ee David Villa ayaa gool qurxoon kadhaliyay south africa. South Africa oo isku dayday in ay bareejayso weerar fiicana soo bandhigtay ayaysan u suuroobin in ay shabaqa reer spain ruxdo. Daqiiqadii 72 aad ayaa gool labaad waxaa spain ku farayaraystay LLorente oo ciyaarta gadaal laga soo gashay.

  Si kastaba xaalku hawdhacee waxaa group A kasoo baxay South Africa iyo spain oo u dhicidoona wadamada Brazil oo ayadu soo baxday iyo Masar iyo talyaaniga kii soo baxa axda. Waxaa sigaar ah isha loogu hayaa ciyaarta dhaxmaridoonta Maraykanka iyo masar waxayna masar oo ayadu looyaan Brazilsha Africa ay u soo baxdaa semi-finalka hadii ay maraykanka kasoo badiso brazilna ay talyaaniga kasoo badiso ama barbardhac lagasho.

Barqadle
Bartamaha

Comments

comments

Category : Sports.
« »

Comment: