read more »">
Calendar

Madaxwaynihii dalka Nigeria oo geeriyooday iyo Madaxwayne cusub oo la dhaariyay.

President-Umaru-YarAdua-o-001

Bartamaha (Nairobi):-Goodluck Jonathan ayaa loo dhaariyay in uu noqdo madaxwayna dalka Nigeria kadib markii uu geeriyooday madaxwayne Umaru Musa Yar’Adua oo waayadan danbe xanuun la il darnaa.

Madaxwayne Umaru Musa Yar’Adua ayaa bishii November ee sanadkii 2009 waxaa loola cararay Hospital ku yaala dalka Sacuudiga si loogu soo daaweyo kadib markii Kilida iyo Wadnaha laga qabatay.

Madaxwayne Umaru Musa Yar’Adua ayaa dalka Nigeria dib loogu soo celiyay bishii February ee sanadkan iyadoo inta badan warbaahinta loo diiday in ay ogaadaan xaalka Madaxwaynaha iyadoo dad badan oo reer Nigeria ah ka deerinayeen xaalka madaxwanaha balse ugu danbeentii xanuunkii hayay uu ku geeriyooday.

Muslimiinta dalka Nigeria ayaa lagu qiyaashaa 50% halka Masiixiyinta ay ka yihiin 48% inta badana waxaa dhax mara dagaalo ay ku dhintaan dad badan oo labada dhinac ah iyadoo dagaalkii ugu danbaa ee Muslimka iyo Masiixiga ku dhax mara dalka Nigeria ay ku dhinteen dad ka badan 500.

Dalka Nigeria waxa ay ka midtahay dalalka ugu horeeya ee Batroolka ugu badan soo saarta iyadoo kaalinta 12 kaga jirta waxaana ka soo gala dhaqaalo badan.

Umaru Musa Yar’Adua waa nin ceenkee ah?

Madaxwayne Umaru Musa Yar’Adua waxa uu dhashay August 16, 1951.
Umaru Musa Yar’Adua waxa uu ahaa kahor inta uusan Madaxwayne ka noqon dalka Nigeria Gudoomiyaha Gobalka Katsina ee

Waqooyiga dalka Nigeria intii u dhaxeesay May, 1999 ilaa May 2007.
Madaxwayne Umaru Musa Yar’Adua oo ka mid ahaa xisbiga (PDP) ayaa loo doortay in uu madaxwayne ka noqdo dalka Nigeria bishii April, 2007 waan madaxwaynihii 13 ee dalka Nigeria soo mara kadib markii ay xoriyada qaateen.

Umaru Musa Yar’Adua waxa uu ka dhashay reer caan ka ah dalka Nigeria loona yaqaan Fulani waxayna dagaan gobalka Muslimiinta ay ku badanyihin ee Karsina kadibna uu ka noqday Gudoomiye iyadoo aabihiisna uu ahaa Siyaasi caan ka ah dalka Nigeria xilalna ka soo qabtay.

Umaru Musa Yar’Adua waxa uu ka baxay Jaamacada Ahmadu Bello University in Zaria sanadkii 1975 isagoo Shahaadada MSc Degree ku qaatay Analysist chemistry.
Ugu danbeentii madaxwayne Umaru Musa Yar’Adua ayaa lagu aasay dalka Nigeria.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

[email protected]

Bartamaha, Nairobi-Kenya

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: