Calendar

Madaxweyne Xasan “ Shacabka iyo ciidankuba waa inay garab-istaagaan walaalaha Turkiga”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo ay wehliyaan Wasiiradda  Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Wasiirka Diifaaca ayaa maanta booqday safaaradda Turkiga ee Soomaaliya isagoona  gudaha Safaaradda kulan kula qaatay Safiirka  Dowladda Turkiga u fadhiya Dalkeena Soomaaliya Kamaludin Kani Torun.

p. hassan 1

Madaxweynaha  ayaa uga tacsiyeyey Shacabka iyo Dowladda Turkiga dhacdadii  Kooxda Al- Shabaab ay ka geysatay  xarun ay deganaayeen shaqaalaha Safaaradda Turkiga” Allaah ha u naxaristo dadkii ku dhintay  kuwa dhaawaca ahna Allah ha caafiyo, Turkiga waxay astaan u yihiin nabadda Soomaaliya, kooxahaan waxay ka soo horjeedaan howlaha kala duwan iyo horumarka walaalaheen Muslimiinta Turkiga  ka wadaan  dalkeena, sida  dhismaha Dugsiyada,Wadooyinka, Isbitaallada casriga ah,  iyo howlaha kale” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Ciidamadda Ammaanku iyo shacabka Soomaaliyeedba siwada jira  ha u garab-istaagaano walaalaha Turkiga, waad ogtihiin sida dhabta ah oo ay inoo garab-istaageen” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambeyntii Safiirka Dowladda Turkiga  ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Turkiga ay ka go’an tahay  ka shaqeynta gudaha Soomaaliya “ Weerarku waxa uu ahaa mid lagu doonayey in lagu joojiyo howlaha aanu wadno laakin  ma joojin doono” ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: