Calendar

Maleeshiyada Alshabaab oo dad Shacab ah ku rasaaseeyay Isgoyska Bakaaraha.

shabaab_dagaalBartamaha (Muqdisho):- Maleeshiyaadka Shabaab ayaa saaka rasaas si ula kac ah ula beegsaday dad shacab ah wadada Isgoyska Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho.

Rasaasta ayaa la sheegay in ay fureen Maleeshiyada shabaabka ee Dhufayska Ciidan ku leh meel aan ka dheerteen Isgoyska Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo waxyeela gaarsiiyay dadkii shacabka ahaa.

Rasaasta ayaa waxa ay yimid markii Wadada Bakaaraha iyo Dabka isku xerta ay si aad ah u buuxiyeen gawaarida Dadweynaha oo isku xeray wadada iyadoo askarta Shabaabka ay rasaas ku kala fureen Wadadada gaadiidka isku xeray.

Rasaasta oo ay si hoose u furayeen Maleeshiyada yaa waxa ay sababtay dhaawaca 2-Qof oo mid ka mid ah ay ahayd Haweenay maraysay Wadada Laamiga ah halka qofka kale uu ahaa arday saarnaa gaari Bl- ah.

Ma jirto cid wax iska weydiisay Rasaasta sida ula kaca ah ay Shabaabka saaka ugu fureen gaadiidka dadweynaha taasi oo qasaaraha sababtay waxaana xiliya hore la xasuustaa rasaas si ula kac ah ay maleeshiyaadkaasi ugu furi jireen qof walba oo diida amarkooda.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: