Calendar

Yuusuf Indha Cadde “Ciidan shisheeye oo la soo kordhiyo Dalkan waxba kama badalayaan…”.

Somalia Defence MinisterBartamaha (Muqdisho):- Yuusuf Indha Cadde oo xilli ahaa Wasiiru Dowlihii Wasaarada Gaashaandhiga ayaa daaha ka qaaday in Ciidan dalka lagu soo kordhiya aanay ammaan keenayn.

Sheekh Indha Cadde iyo C.raxmaan c/shakuur Wasiirkii hore Ee Iskaashiga Caalamiga oo maanta ka soo wada dagay Magaalada Muqdisho ayaa waxa hadal siiyay saxaafada Indha Cadde.

Yuusuf Indha Cadde waxa uu sheegay in aanay dani ku jirin soo kordhinta Ciidanka Shisheeyaha ee la keenayo dalka Soomaaliya.

Masuulkan waxa uu sheegay in dalka soomaaliya dhibaatada ka jirta ay masuul ka yihiin Beesha Caalamka oo aan eegayn danta soomaalida balse ka hormarinaysa danahooda gaarka ah.

Yuusuf Maxamed Siyaad waxa uu cadeeyay in uu aad uga xunyahay Ciidanka la soo kordhinayo isagoo wacad ku marayu in haddii Ethiopian ay soo galaan dalka uu la dagaalami doono.

Hadalka masuulkaasi ayaa imaanaya xilli la hadal haayo in dalka la keenayo Ciidamo ay ku jiraan kuwa wadamada safka hore ama la jaarka ah Soomaaliya.

E_mail:-

.

.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: