Calendar

VIDEO: Masar oo saaka ku waabariisatay xaalad adag

e3

Ciidamada ammaanka dalka Masar oo gacan ka helaya militariga ayaa saaka weerar culus ku qaaday barxada Raabica Alcadwiya iyo Nahda oo ay ku suganyihiin taageerayaasha madaxweynahii xukunka laga tuuray Maxamed Mursi.

Waxayna hogaamiyayaal u hadlay ururka Ikhwaan Muslimiinka ee taageersan Mursi ay sheegeen in xasuuq ka dhan ah taageerayaashooda inuu dhacay.

Maxamed Al-Baltaaji oo kamid ah hogaamiyayaasha Ikhwaan Muslimiinka oo ku sugan deegaanka Raabica Alcadwiya ayaa sheegay in dhimadu ay haatan marayso 300 halka dhaawacuna uu kumannaan kor u dhaafayo.

Balse wakaalada wararka Faransiiska ayaa shaacisay in dhimashadu marayso 43.

Waxaana wararku sheegayaan in ciidamada ammaanku ay isticmaaleen taangiyaal iyo diyaaradaha Helicopterka oo si aan kala sooc lahayn xabbad ugu furaydibadbaxayaasha.

Xaalada wadanka Masar ayaa sii xumaanaysa tan iyo markii ay xukunka dalkaas la wareegeen militariga oo garab siinaya dadka cilmaaniyiinta ah oo ku eedeeyay Ikhwaan muslimiinka inay isku kali yeeleen xukunka waddanka Masar.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: