read more »">
Calendar

Dalka Turkiga oo sheegay inay ka go’antahay taageerida Soomaaliya

turki2Dawlada Turkiga ayaa markale ku celisay inaysan waxba iska badali doonin siyaasadooda arrimaha dibada ee lagu caawinayo Soomaaliya.

Diblamaasi sare oo Turki oo la hadlay wargeysa Hurriyet ee kasoo baxa dalkaas oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in dawlada waddankaas ay ka go’antahay in lasii wado taageerada la siinayo Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay in Turkigu ay dajiyaan qorshe ballaaran oo lagu adkaynayo ammaanka xarumaha iyo shaqaalahooda ku sugan Soomaaliya, wixii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday safaaradooda magaalada Muqdisho.

Horay ayaa ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Axmed Davotglo  uu sheegay inay sideeda ahaan doonto siyaasada arrimaha dibada ee ku wajahan Soomaaliya taasoo uu sheegay in looga gol leeyahay caawimaad loo fidiyo Soomaaliya oo kasoo kabanaysa 22 sano oo dagaallo sokeeye ay ka socdeen.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: