Calendar

Bar/ka Soomaaliya iyo Uganda oo heshiis ku kala saxiixday Kampala

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh

Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaan shaqo ku joogaan dalka

Uganda ayaa maanta magaalada Kampala kula kulmay dhigiisa dalka Uganda

Hon. Rebecca Alitwala Kadaga.

 

Kulanka oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxaa labada

Gudoomiye ay kala saxiixdeen heshiis lagu mataaneeynayo Baarlamaannada

Soomaaliya iyo Uganda ayadoo heshiiskaasina uu dhabaha u xaarayo iney

labada Baarlamaan yeeshaan wadashaqeyn iyo qibrad isweeydaarsi joogta ah.

This slideshow requires JavaScript.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Uganda haweeneyda lagu magacaabo Rebecca

Alitwala Kadaga oo kulanka ugu horeyn ka hadashay ayaa aad u ammaantay

sida uu Baarlamaanka Soomaaliya u shaqeeynayo mudada sanadka ah ee uu jiro

ayadoo si gaar ahna usoo qaadatay guullihii uu Baarlamaanku horseedka u

ahaa ee ay Soomaaliya ku talaabsatay waxaana ay dhanka kale xustay iney

aad ugu faraxsantahay heshiiskan maanta oo ah mid taariikhi ah.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh

Cismaan Jawaari oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey

Dowladda Uganda sida ay had iyo goor u taageereyso Dowladda iyo Shacabka

Soomaaliyeed waxaana uu Gudoomiyuhu dhanka kale xusay in heshiiskan uu

yahay mid muhiim ah islamarkaana ay Labada Baarlamaan si joogta ah ugu

wadashaqeyn doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Kampala.

 

“heshiiskan aynu maanta kala saxiixanay waa mataaneynta labada Baarlamaan

si ay u yeeshaan iskaashi habeysan iyo isdhaafsi khibrado ayadoo

xildhibaan iyo Xildhibaan loo xiriirayo amaba maamul iyo maamul,sidoo kale

saraakiisha iyo howlwadeennada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa halkaan imaan

doona oo khibrado ka kororsan doona, sababta aan heshiiskan u dooraneyna

waxa ay tahay marka aad taariikh ahaan dib u raacdid dalka Uganda waxey

soo mareen marxaladdo ay Soomaaliya soo martay amaba ay hada ku jirto

weyna ka gudbeen muhiimaduna waa in ayagana aan ka gudubno waayo ayagaba

marka ay ka gudbayeen dhibaatada waxey khibrado kasoo qaateen Baarlamaanka

dalka Ghana”ayuu saxaafadda ugu sheegay magaalada Kampala Gudoomiyaha

Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Heshiiskaasi kadib ayaa Gudoomiya Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxey

kormeereen dhismaha Baarlamaanka dalka Uganda oo qeybo ka tirsan ay

gudiyadu shaqo uga socdeen ayadoo dhinaca kalena xubnaha wafdiga

Gudoomiyaha ka mid ah ay iyana khibrad isweeydaarsi la yeesheen xubnaha

dhigooda ah ee ka tirsan gudiyada Baarlamaanka dalka Uganda,sidoo kalena

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Uganda waxey qado sharaf maanta u sameysay

wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

—DHAMAAD—

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: