Calendar

Maxay soo kordhin kartaa furida safaradda UK ee Soomaaliya?

Dowladda Britain dib ayay uga furtey safaradii ay ku laheed Soomaaliya taas oo irdaha loo laabey 1991-kii markii Soomaaliya ay ka dhaceen dagaladii sokeeye ee awooda looga tuurey dowladii uu hogaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Xog-hayaha arimaha dibadda Britain William Hague oo Mogadishu tagay (25, April, 2013) ayaa si rasmi ah u furey safaradda iyadoona ay garab taagnayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo safiirka Britain ee Soomaaliya Matt Baugh.

Hague ayaa ka taagey calanka Boqortooyadda Ingiriiska, safaradda cusub ee ay Mogadishu ka furteen , iyagoona dagay garoonka caalamiga, taas oo ka danbeysay markii labadda dal ay is dhaafsadeen safiiradooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa safiir cusub u magacawday dalka Ingiriiska, taas oo ah markii ugu horey ee Soomaliya 22-sano kadib ay safiir ku yeelanayso dalka Britain, taas oo ku soo aadayso xilli u dhawaan ka qabsoomi doono magaladda London shir caalami ah oo arimaha Soomaaliya looga wada hadlayo.

Shirka oo wada gudoomin doonaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isal wasaaraha Ingiriiska David Cameroon waxana dalalka caalamka ee daneeyo Soomaaliya ay kaga hadli doonaan sidii ay u taaageri lahayeen hormarka cusub ee la gaarayo.

Tan iyo markii dowladda cusub ay yeelatey Soomaaliya oo la doortey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa jirey in dowladda ay dib u helaysay aqoonsi caalami ah oo dadka caalamka ay ugu yaboohayeen iney la shaqeyn doonaan.

Faa’idada safaradda cusub ee UK

Furidda safaradda cusub ee British-ka ee Mogadishu waxa ay tusaaleynesaa labo arin; Taas oo ah in dowladda UK ay dareemayso in caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu haatan xasilooni lagu kalsoonan karo oo ku shaqeyn karaan siyaasiyinteda ay ka jirto iyo in iney ku dhex shaqeyn karaan oo u qalanto in la joogo khataro ka jira magaladda.

“Waxa rajeynayaa iney tani u noqoto tusaalen wanaagsan wadamada kale ee caalamka” ayuu yiri Hague.

“Waxa aan rajeynenaa oo fileynaa in dhawaan ay calamo badan ay ka baban doonaan qeybo kabadan oo magalada Mogadishu ah” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo xafladda furitaanka safaradda ka hadlay.

Balse Hague waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka dhaceen “Isbadalo cajiib ah” balse ay soconayaan “Caqabado soo wajahayo”.

“Waxa aan wadi doona inaan si dhaw aan ula shaqeyno dowladda Soomaaliya oo muhiimado badan aan wadaagno oo ku jirto inaan la dagaalano xasilooni darida, argagixisadda, iyo burcad badeeda, waxana aan u fidin doonaan caawinaad bin’aadanimo iyo inaan danaha UK ee Soomaaliya gaarno” ayuu ku darey.

Dowladda Soomaaliya, hada waxa ay dib u helaysa aqoonsi caalami ah oo dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ay siinayso taas oo gacan wayn ka geysanayo dib u dhiska dalka iyo in kaalmada caalamiga ee la siinayo oo si toos ah iney hesho ugu suura galayso.

Maxamed Cabdi Nuur Mascud
[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, Maqaallo / Articles, Wararka Maanta.
« »

Comment: