Calendar

DF iyo Maamulka Puntland oo wada hadlay [SAWIRO]

Madaxweynaha dowladda federalka iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa tagay magalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.

Wafdiga Xasan Sheekh waxa ay wada hadalo la leehyihiin madaxda maamul goboleedka Puntland oo ka wada hadlayaan xiriirka labada dhinac iyo sidii dhaqan galinta federalka ay u suura gali lahedeen.

La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Injineer C/raxmaan Yarisoow oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay kulamadii u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Kulanka waxa jirey afgarad ka dhashey oo ku saabsan arimihii laga wada hadlayay oo kamid ahayeen wada hadaladda dowlada iyo maamulka Somaliland, arimaha federalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku casuumaday madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdi Raxmaan maxamed Faroole shirka bisha soo socoto ee May ka dhacayo magalada London oo arimaha Soomaaliya looga wada hadlayo.

 

Comments

comments

Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: