Calendar

Nin laga dilay dhalinyaro weerartay Fariisin Ciidan gudaha Muqdisho (Sawiro).

bartamahaaBartamaha (Muqdisho):- Saraakiisha Booliiska Dowlada ayaa soo bandhigay Maydka Nin ka mid ahaa rag Xalay doonayay weerarka saldhig Ciidan oo ku yaala Degmada Waabari.

Saraakiisha Ciidanka Booliiska ayaa soo bandhigay maydka nin lagu qiyaasay  30 jir ka mid ahaa koox xalay weerartay saldhig Booliiska ku leeyihiin xaafada Afisyooni Degmada Waabari Muqdisho.

Ninkan ayaa lagu dilay goobta ay weerarka ku qaadeen 6-dhalinyara ah oo uu ninkaasi ku jiray kuwaasi oo doonayay in ay garneelada garabka iyo Bambooyin la beegsadaan Ciidamada Dowlada ee dagan xaafadaasi Afisyooni.

Ninka maydka ahaa ayaa jirkiisa waxaa ka muuqanayay rasaas culus oo haleeshay markii weerarka ay fulinayeen oo Ciidanka ay tacshiirad aad u culus ku fureen Kooxdaasi weerarka soo qaaday oo la aaminsanyahay in ay ahaayeen Alshabaab.

Col.C/laahi Bariise afhayeenka Booliiska oo saxaafada la hadlay xilli uu kor taagnaa maydka ninla lagu dilay weerarkii fashilmay oo ay soo qaadeen ayaa waxa uu sheegay in ay ka xunyihiin ninka ku dhintay wadada qaldan.

Bariise ayaa sheegay in ninkan uu yahay da’ dhexaad xiligan oo kale looga baahnaa in uu Cibaadaysto balse uu ka xunyahay xiliga uu weerarka ku soo qaadayo askarta Dowlada KMG ah oo xilligaasi difaac isaga jirtay markii ay soo qaadayeen weerarka.

Labo Xidigle Xasan Duulaan Xersi oo ah Taliyaha Baraha 21-ka Oktoober iyo Afisyooni ayaa isaguna sheegay in Ciidankooda ay heegan ku jireen islamarkaana ay dileen ninkaasi halka qaar dhaawac ahna ay baxsadeen.

Weerarka xalay ayaa u muuqanayay midkii ugu horeeyay oo ay Hubka fudud ku dagaal galayaan Kooxda shabaabka gudaha dhulka dowlada ay ku xoogantahay waxaana uu falkii xalay noqday mid fashil ku dhamaaday.

Daawo Sawirada:-

ninka

ninjkii

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected]


Comments

comments

Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: