Orodyahanka Soomaaliyeed Ee Mo Faarax Oo Mudo Kooban Lagu Xiray Dalka Mareykanka

Posted on Dec 30 2012 - 3:47pm by Chief Editor
Tweet
Pin It

Ciyaaryahanka caanka ah ee Soomaaliyeed Mo Faarax oo haysta dhalashada wadanka Ingiriiska ayaa laamaha sirdoonka dalka mareykanka waxa ay su’aalo ku weydiiyeen garoonka magaalada Portland ee wadanka Mareykanka xili uu kasoo dagayey gagida diyaaradaha magaaladaas, Mo Faarax ayaa u sheegay wargeyska The Sun ee kasoo baxa magaalada London ee wadanka Ingiraaska in laamaha sirdoonka dalka mareykanku ay ku xayireen garoonka Portland iyagoo sheegay iney uga shakiyeen inuu xiriir la leeyahay Ururka Al-qaacida.

Mo ayaa sheegay in su’aalo dhowr ah ay weydiiyeen oo ay kamid ahaayeen waxa uu ka yaqaan horjoogayaasha ururka al-shabaab wuxuuna sheegay inuu u sheegay hay’adaha sirdoonka Mareykanka inuusan arinta ay uga shakiyeen uusan wax lug ah ku lahayn uuna yahay nin si weyn looga yaqaan aduunyada oo idil.

Orodyahanka caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu u yimid mareykanka inuu qaato daganaanshaha Mareykanka wuxuuna kasoo kicitimay magaalad Toronto ee Caasimada wadanka Canada, Mo ayaa sheegay inuu  heshiis kula jiro Shirkada Nike ee dalka Mareykanka.

Mo Faarax ayaa waxaa lagu xasuustaa wacdaradii uu ka dhigay ciyaarihii olompikada ee sanadkan ka dhacay magaalada London halkaas oo uu kasoo hooyey guul ay ku farxeen Soomaalida iyo ingiriiskaba markii uu noqday horyaalkii ku guuleystay orodka dheer ee 10-ka kun iyo midka 5ta kun, waana halyeey Soomaaliyeed oo aduunyada baray in Soomaalidu ay tahay dad ku wanaasgan orodka dheer kadib markii uu meel cidlaa uga tagay dad caan ku ahaa orodka nuucan oo kale oo ay kamdi ahaayeen orodyahanada Kenya, Ethiopia iyo wadamo kale.

Guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan wadamada caalamka ayaa bartilmaameed u ah wadamada ay ku suganyihiin iaygoo loogu marmarsoodo iney xiriir la leeyihiin ururada argagixisada caalamka.