Calendar

R/Wasaare Farmaajo oo booqday Xeryaha Amisom iyo Dowlada (Daawo Sawirada).

4rBartamaha (Muqdisho):- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta booqasho ku tegay qeybo ka tirsan jiidaha hore ee ciidamada dowladda iyo xarumo ay ku leeyihiin qeybo ka tirsan degmooyinka Muqdisho.

Ra’iisawasaaraha oo ay safarkiisa ku wehliyeen Taliyaha Ciidanka Milateriga iyo kuxigeenkiisa, Taliyaha Ciidamada Badda, iyo saraakiil ka tirsan kuwa AMISOM ayaa safarkiisa ka bilaabay xarunta Xalane ee saldhiga u ah ciidamada AMISOM isagoo halkaasina salaam uga qaatay cutub ka tirsan ciidankaasi oo ay ka gadaal babanayeen Calanka Soomaaliya, Calanka Midowga Afrika, Calanka dowladda Burundi iyo Calanka dowladda Ugandha.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa tegay Xarunta Jaziira oo saldhig Milateri u ah ciidamada Dowladda tababarana lagu siiyo isagoo halkaasina kula hadlay boqolaal ka tirsan ciidanka oo tababar uga soconayay halkaasi, isagoo kula dardaarmay inay dalka difaacaan dhiigoodana u huraan, wuxuunan dhankiisa balan qaaday inuu u diyaarin doono Mushaarkoodii, Raashinkoodii iyo daryeelkooda Caafimaad.

Sidoo kale, waxa uu booqday Askar Bukaan ah oo jiifay isbitaal ku dhex yaala xaruntaasi Jaziira, isagoo ALLE uga baryaya inuu caafimaad deg deg ah siiyo, wuxuuna Koontorool ku sameeyey daawooyinka lagu daweeyo bukaanada.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa soo kormeeray dhismeyaal ka socday tuuladaasi Jaziira halkaasoo ay dhismayaashaasi ku howlanaayeen shaqaale fara badan oo Soomaaliyeed isagoo ku dhiirageliyay dib u dhiska dalka, iyadoo dhismayaashaasina loogu tala galay inay degaan ciidamada iyo saraakiisha Dowladda ee tababarka u jooga halkaasi.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa booqday Saldhig ku yaala Xaafada Xoosh ee degmada Wadajir isagoo dusha u fuulay Daartii Xoosh oo Saldhig u ah Guutada Hillaac ee ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa halkaasi kula hadlay boqolaal ka tirsan ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed, isagoo u balan qaaday in xukuumadiisu ay dedaal aan kala go’laheyn ugu jirto sidii ay u soo dhicin laheyd xuquuqdii Ciidamada, isagoo kula dardaarmay inay iyaguna dedaal naf hurnimo u galaan sidii ay wadanka uga xoreyn lahaayeen caddowga ku soo duulay ee dalalka fog fog ka yimid.

Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaaraha ayaa soo kormeeray Xarunta Ciidamada ee Villa Baydhabo isagoo halkaasina salaan uga qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka oo isugu jiray Rag iyo Dumar, wuxuuna si weyn ugula dardaarmay difaaca dalka iyo inay Aclaaqdooda ciidanimo hagaajiyaan isagoo u balan qaaday inay helayaan xaqooda.

Ruwaayad isugu  jirtay Baraarujin iyo Duco ayaa loogu qabtay Xaruntaasi wuxuuna Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in maalinta Berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 19.11.2010 oo Jimce ah Shucuubta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ALLE uga baryaan Salaada Jimcaha kadib inuu ka dul qaado dhibaatooyinka iyo dagaalada, uguna bedelo Nabad, Horumar iyo Barwaaqo.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ah Ra’iisal Wasaarihii ugu horeeyey ee xukuumadihii 20-ka sano kaasoo soo booqda xeryaha Ciidamada Dowladda ee ku yaala goobahaasi.

DAAWO SAWIRADA:-

1r

2r

3r

7r

5r

6r

7r

8r

10r

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: