Calendar

Safarkeeygii Jaamacada UUM ee waqooyiga dalkaMalaysia..

jaamacadaIntii u dhaxeesay 30 Octobe-7 November, 2010 ayaan safar gaaban ku aaday Waqooyiga dalka Malaysia oo ay ku taal Jaamacada Utara Malaysia ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UUM isla markaana ay dhigtaan arday badan oo Soomaali ah.

Ujeedka safarkeeyga ayaa ahaa qeyb gal-ka xafladda Qalinjabinta ardayda Soomaalida iyo in aan Jaamacada UUM oo ka mid ah Jaamacadaha ugu magaca dheer dalka aan booqdo.

Jaamacadda UUM waxaa dhigato Soomaali fara badan sanad walbana waxaa ka qalin jabiya arday Soomaali ah oo bartay Culuumta nooceeda kala duwan iyadoo Jaamacadu ku taal Waqooyiga dalka Malaysia ee Gobalka Kedah.
Kedah waa Gobal sidee ah?

Gobalka Kedah waxa uu ka midyahay 13-ka Gobal ee dalka Malaysia ay ka koobantahay iyadoo dalkani uu yahay dal Nidaam-ka Dowladnimo ee ka jirta ay tahay mid ku dhisan Gobaleesi ama federal.

Gobalkan Kedah waxaa loogu yaree Daarul Amano o micnaheedo yahay Hoygii Nabadda waana Gobal ku yaala xuduudka ay Dowladda Malaysia la wadaagto dowladda Thailand.

Gobalkan Kedah caasimadiisu waa magaaladda Alor Setar oo 45KM u jirta xududka dalka Malaysia iyo Thailand ay wadaagaan balse waa magaalo aad u qurux badan iyadoo ay Magaaladdan can ku tahay.

1- Waxaan ku dhashay R/wasaarihii ugu horeeyay ee dalka Malaysia Tunku Abdul Rahman Allaha u naxariistee oo xilka dalka hayay sanadihii 31 August 1957 – 22 September 1970.
2- Sidoo kale waxaan Gobalkan ku dhashay R/wasaarihii hore ee dalkan Mudane Mahathir Bin Mohamed oo ah hormuudka horumarka dalka Malaysia walina Siyaada dalka ka dhax muuqda isagoo xilka hayay sanadihii u dhaxeeyay 16 July 1981 – 31 October 2003,Mudane Mahathir Mohamed ayaa 22 sano oo uu xilka dalka hayay sanadkii 2003 uu go’aansaday in uu siyaasada dalka ku wareejiyo shacabka reer Malaysia balse wali dhaq-dhaqaaqa siyaada kama marna Mudane Mahathir.
3- Dhan kalle waxaa sidoo kalle Magaaladan Alor Setar ku dhashay Wan Azizah Wan Ismail oo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Malaysia isla markaana ah afada u dhaxdo Siyaasiga Anwer Ibrahim iyadoo haweeneydan ka midtahay kooxaha Mucaaradka si weyna dalka looga yaqaan.

Gobalka Kedeh iyo Magaaladda madaxdiisa Alor Setar ayaa sidoo kalle caan ku ah beerashada Bariis-ka, iyadoo dalka Malaysia iyo guud ahaanba Qaaradda Asia ay caan ku yihiin Cunida Bariiska.

Jaamacadda UUM waa Jaamacad Sidee ah?

Jaamacadda University Utara Malaysia ee loo soo gaabiyo UUM waxaa kaloo loo garanayaa Jaamacada Waqooyiga “Northern University of Malaysia”, Waxay ku taalaa Gobalka Kedah ee Waqooyiga dalka Malaysia iyadoo Jaamacada ay ku taal xadka Malaysia ay la wadaagto dalka Thailand.

Ardaydii Qalijabisay iyo Kuwa hadda dhigta Jaamacadda UUM

Ardaydii Qalijabisay iyo Kuwa hadda dhigta Jaamacadda UUM

Jaamacada UUM waxaa la furay 16 February 1984 balse dhismaha cusub ee hadda jaamacadu ku shaqeeyso waxaa la furay September,1990,Dhulka Jaamacada ay ku fadhiso oo gaaraya 1,061 hectare ayaa ah runtii meel aad u quruxbadan si wacana loo habeeyay waxaana ku dhaxyaal Garoon sports, Garoomada loogu tala galay Tartaranka Baaburta, Masjid halkii mar qaadi kara ugu yaraan Shan kun oo qofood iyo dhismayaal ardayda deegaan ahaan u daganyihiin.

Jaamacada UUM waxa ay ku taala Tuulada Sintok oo 48km dhanka Waqooyi Koonfureed ka xigta Caasimada gobalka Kedah ee Alor Setar. Jaamacada UUM sidoo kalle waxay leedahay Hotel qurux badan oo dad Martida ama Jaamacada soo booqanaya ay dagaan.

Jaamacada UUM waxaa magacyadeeda ka mid ah Jaamacada Maamul-ka “Management university”, Jaamacadan ayaa xooga saarta Maamul-ka iyo Ganacsiga, inkastoo arday Soomaalida ee dhigata Jaamacadan ay badankood dhigtaan Culuumta Computer-ka iyo Culuumta la xarirta Ganacsiga.

Balse ardayda sanadkan ka qalin jabisay Jaamacada oo gaaraya 7 arday waxaa ku jiray Yaasir Mohamed Baffo oo ah arday bartay Culuumta Dalxiis-ka iyo sida loo maareeyo, aryda Soomaalida ee Malaysia wax ka barata inta badan ma bartaan Maddoyinka Dalxiis-ka, Sharciga iyo Saxaafada Intaba.

Ardaydii Jaamacadda UUM ka qalinsabisay

Ardaydii Jaamacadda UUM ka qalinsabisay

Ardayda Soomaalida ee dhigata jaamacadda UUM waxa ay ka yimaadeen gobaladda kala duwan ee Soomaaliya inkasto ardayda qarkood ay ka yimaaden dalalka Carabta.

Maalmihii aan joogay Jaamacadda UUM?

30 Octobe-7 November, 2010 intii u dhaxeesay ayaan Jaamacadda UUM joogay iyadoo Ujeedka aan u tagay Jaamacadda ay aheyd in aan la qeebsado farxadda arday Jaamacadda ka qalinjabibeysa oo qaarkood aan saaxiibo nahay.

Ururka Aryda Soomaaliyeed ee Jaamacadda UUM ee uu Gudoomiye u yahay C/risaaq “British” ayaa si wanaagsan iigu soo dhaweeyay Jaamacada, intii aan joogay Jaamacaddana waxaan ma dareemin wax cidlo ah oo ardayda Soomaalida ah qof walba oo marti ah si wanaagsan ayay u soo dhaweyan.

Dhanka kalle ardayda qalinjabisay iyo kuwa wali wax barashadda ku jira waxa rajo ka qabaan in mar un dalka nabad noqon doono iyadoo ardayda qaarkood aysan qabin rajo ah in xilli dhow ay dalka Nabadi ka dhici doono inkastoo ardayda ay ka simanyihiin wax u qabadka dalka iyo dadka.

Jaamacadaha kala duwan ee dalka Malaysia waxaa wax ka bartaa boqolaal arday balse dhibaatada jirta waxa ay tahay Dowladd dhaxe kama jirto Soomaaliya, haddaba Ardayda dibadaha wax ku barta side waxa ay barteen ay dadkooda oga faa’iideen doonaan?

Waxaan u mahadcelinayaa Ururula Ardayda Soomaalida ee Jaamacadda UUM iyo dhamaan araydii na soo dhaweesay. Mahadsanidiin dhamaantiin.

…………………………………………………………

Ibraahim Da’ud Abdalle
[email protected]
Kuala Lumpur, Malaysia.

Aniga qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadda UUM

Aniga qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadda UUM


Aniga iyo Shuu Shuu oo ka mid ah ardaydii Jaamacadda ka UUM ka qalin jabisay..

Aniga iyo Shuu Shuu oo ka mid ah ardaydii Jaamacadda ka UUM ka qalin jabisay..


Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Maqaallo / Articles, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: