Calendar

[SAWIRO] Sanad guurrada 69aad ee aas-aaska Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed

Sanad guurrada 69aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa manta lagu xusay  dugsiga tababarka Ciidammada Booliiska General Kaahiye degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Munasabadaan oo aheyd mid aad u balaaran ayaa waxa kasoo qeyb galey Qaar kamid ah Madaxda dowlada oo uu kamid ahaa  Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen guuleed, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed Xasan,Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka,Booliiska iyo Nabad Sugidda Qaranka,Gudoomiyaha gobolka Banaadir,gudoomiyeyaasha degmooyinka,saraakiisha Ciidammada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Dhamaan Qeybaha kale duwan ee Ciidammada Booliiska ayaa kusoo bandhigay barxadda dugsiga General Kaahiye dhoolatus iyo fantisiyo ,waxa ayna  sidoo kalena ay Ciidammadu salaan sharaf siyeen Madaxdii munaasabadda ku sugneyd.

Kadib  dhuulatuska ay Ciidammadu soo bandhigeen ayaa waxa  hoolka shirarka dugsiga tababarka booliiska General Kaahiye ka bilowday khudbado kale duwan oo ay soo jeediyeen Madaxdii Ka qeyb gashey Munaasabadaasi .

sidoo kale  kooxda fanaaniinta Ciidammada Booliiska ee heegan ayaa soo bandhigay ruwaayaddo iyo suugaan wadani ah oo aad u ritay dareenka Kasoo qeybgalayaasha.

Si kastaba Aas aaska  sanad guurradii 69aad ee kasoo wareegatay Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa kusoo idlaatay jawi aad u wanaagsan oo la dhihi karo in ay waxyaabo badan kaga badalneyd Sanadgurayaashi laga soo gudbay.

SAWIRO

[slidepress gallery='sanad-guurrada-69aad-ee-aas-aaska-ciidammada-booliiska-soomaaliyeed']

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Photos.
« »

Comment: