read more »">
Calendar

Sheekh Xasan Daahir oo la waayay iyo Xaflad Shabaab iyo Xizbul Islaam dhigteen (War-bixin)

xasan_dahir_mainBartamaha (Muqdisho):- Waxaa la la’yahay Wadaadkii hogaanka u ahaa Kooxdii awoodeeda la tirtiray Ee Xizbul Islaam Xasan Daahir Aweys oo codkiisa la waayay muddo todobaad ku dhow.

Wadaadkan oo markii warkiisa la maqlayay uu joogay deegaanka Carbiska ayaa go’aankiisa ahaa in uu difaacdo jiritaanka Kooxdiisa isagoo hadal u jeediyay maleeshiyaadkiisa wallow maalin ka dib fikirkaasi uu is badalay ka gadaal markii Gobolka Gedo iyo Shabeelada hoose deegaanadii yaraa ee uu ka haystay laga qabsaday taasi oo ku kaliftay in uu isku salimo kooxda Shabaab oo uu isku dhiibay.

Xasan Daahir waxaa uu ku sugnaa Habeenkii Xizbul Islaam is dhiibaysay Deegaanka Ceelasha Biyaha isagoo maalintasi la kulmay Axmed Cabdi Godane Hogaamiyaha Kooxda Shabaab waxaana xiligaasi is dhiibay isaga iyo ku xigeenadiisa iyo Xoghayaha guud ee Kooxdii Xizbul Islaam.

Ku xigeenka 1-aad Ee Xizbul Islaam Sheekh Maxamed Mirre iyo Cabdalla Khadaad Xoghayaha guud Xizbul Islaam ayaa lobadaba si caadi ah loogu arkayay saacada ka hor gudaha Suuqa Bakaaraha iyaga oo aan wax war ah ka soo bixin afkooda.

Xaflad shalay ka dhacday Gudaha Bakaaraha ayaa waxaa Kooxdii Xizbul Islaam magaceeda ku hadlay nin lagu sheegay magaxciisa Sheekh C/fitaax Cali oo aan xubin muuqata ka ahayn Xizbul Islaam garabkii Xasan Daahir balse waxa uu ku hadlayay magaca Kooxdaasi Xizbul Islaam isaga oo cadeeyay in ay la midoobeen Alshabaab.

Wadaadkan ayaan hadal dheer jeedin waxaana uu aad ugu noqnoqday in uu ku faraxsan yahay guusha iyo Midnimada Alshabaab iyo Xizbul Islaami taasi oo uu ku sifeeyay mid alle keenay oo hadana ay calan qura wada qaadanayaan dhammaan dhalinyaradii labada dhinac magac ahaan u kala hoos tagi jirtay.

Shabaabka waxaa goobta u joogay Cali Dheere Afhayeenka guud ee Alshabaab oo saxaafada horteeda ka akhriyay qoraal aad moodo in loo dirayay Al Qaacida kaasi oo afka Carabiga ku qornaa islamarkaana ay shabaabka kula hadlayeen Alqaacidada guud waxaana uu ku bilaabay u mahadcelinta dhammaan Mujaahidiinta Bakistaan, Afgaanistaan Falastiin, Yemen, Ciraaq sida uu afkiisa ka sheegay afhayeenka shabaabka.

Cali dheere waxaa isaga oo Carabi ku hadlaya uu sheegay in sanadan Cusub ee Islaamka uu yahay ‘Caamul Jamaaca” wallow magacaasi uu u fasirmayay Sanadkii Midnimada oo ay ula jeedeen in Xizbul Islaam iyo Shabaabka midoobay darteed loo qaadanayo sanadka Midnimada waxaana uu u jeediyay shabaabka oo dhan in ay ku baraarugsanaasdaan taasi.

Midnimada lagu dhawaaqay waxaa booskeeda ka maqnaa raggii awooda lahaa oo afkooda ka qiri waayay midnimada shalay la shaaciyay balse su’aasha taagan ayaa ahayd Midnimada ma mid Xoog lagu keenaa Mise Xizbul Islaam iyadaa garatay.

Sida Xog aan helnay ay cadaynayso waxaa Hogaamiye Xasan Daahir Aweys la la’yahay halkii la geeyay ka gadaal markii uu isdhiibay islamarkaana uu afkiisa soo marin waayay ku biiritaanka Kooxda Alshabaab oo noqotay Koox u hub qaadatay xilli hore sidii meesha ay uga saari lahayd Kooxda magaca diinta la haysata Calanka dagaalkana la sidatay balse xagga dhaqanka ka duwanayd.

Saadaalin ku aadan halkii la geeyay Wadaadkan haystay Xizbul Islaam ayaa soo baxaysa wallow xog dhab ah ay cadaynayso in isaga iyo rag Amiira shabaab ah ay wajaheen dhanka Baydhabo ka dibna aan xogtiisa danbe la helin iyadoo laga yaabo in uu xeran yahay ama saamayn kale loo yeelayo oo la qarinayo sida Amiirka Shabaab Godane iyo Xasan Turki oo xilli hore dagaal la’aan is dhiibay.

Sheekh Xasan Daahir Aweys waa nin da’ ah oo muddo dagaal u soo taagnaa waxaana uu weli la’aa guul uu isaga soo hooyo iyo garab fiican oo uu helo wallow la ogaaday in Xizbul Islaam ay ka hub iyo Saanad badnayd Alshabaab iyadoo Wadaadkan uu ka agdhow yahay xagga da’da Xasan Turki oo sanado badan ahaa Wadaad diimeed dagaalo badan galay.

Xasan Turki lama arkin markii uu isku dhiibay shabaabka ka dib wallow la ogyahay in aad looga qadariyo Dhul badan oo Howdka ah sida Deegaanada la isku yiraa Raas Kambooni wallow aan la ogayn Xasan Daahir halka la gayn doono maadaama dhulkii uu ka soo jeeday ee awooda ay ku lahayd Kooxdiisa si awood muuqata ah looga qabsaday.

  • Wixii xog ku aadan halkii la geeyay Xasan Daahir Aweys www.Bartamaha.Com ayaa isha ku haysa.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: