Calendar

Xildhibaan Baarlamanka ka tirsan oo is casilay

Barlamaanka-Soomaaliya1Bartamaha (Muqdisho):- Mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa iska casilay xubun ahaanshihiisa Baarlamanka KMG ah Ee Soomaaliya.

Mudanahan oo lagu magacaabo Ex-Xildhibaan Yuusuf Maxamed Kheyr (Guuroow) waxaana uu warbaahinta maanta oo Jimca ah u sheegay in uu isaga baxay Dowlada KMG ah oo uu xubin Baarlaman ka ahaa.

Mudanahan oo hadda qurba joog ah kuna sugan Dalka Jarmalka ayaa daaha ka qaaday in Dowlada ay tahay mid fadhiid ah oo aan ho0re u socod ahayn islamarkaana mudanayaasha baarlamanka ay noqdeen kuwa magac u yaal ah oo aan shaqa ka qaban dalka .

Mudanahan Baarlamanka ka tirsan waxa uu soo hadal qaaday in uu hadda Xanuunsan yahay oo uu muddo Bil ka badan ka maqan yahay fadhiyada Baarlamanka taasina ay qeyb ka noqonayso masuuliyad darada balse waxa uu cadeeyay in uu ka door biday isaga bixida dowlada iyo Baarlamanka oo idil.

Mudane Yuusuf Maxamed Kheyr (Guuroow) waxa uu wasiir ku xigeen ka ahaa Xukumadii Cali Geedi waxaana mudadaasi ka dib uu ahaa Xubin Baarlamanka waxaana uu hadda sheegay in uu door biday isaga bixida dhammaan xubin ka ahaanshaha Baarlamanka KMG ah Ee Soomaaliya .

Mudanahan hada is casilay ayaa waxaa hadalkiisa uu imaanayaa xilli waqtiga Baarlamanka u harsan uu yahay muddo 7-bil oo kaliya ah taasi oo keeni doonta is qabqabsi iyo is jiidjiid siyaasadeed Xildhibaankana uu xanuunsanayo taasi oo noqon karta mid isku beegan oo is dhaawacaysa.

Ma aha Xildhibaankii ugu horeeyay ee isaga taga Dowlada waxaana hore u jiray mudanayaal deegaanadooda isaga laabtay iyaga oo ka madax banaan dowlada jirta iyo mudanayaal shabaab noqday halka qaar kalana ay waxbarasho iska galeen oo ay jaamacada ka dhiganayaan Malaysia iyo Wadanka Suudaan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

Admin @www.Bartamaha.Com

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: