Calendar

Shirka London, Madaxda Aduunku siday u hadleen

139582297Britain:

Shirka waxaa furay Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron oo isaga dowladiisu ay shirkan martigelisey, wuxuuna sheegay in dhibaatada Soomaaliya ay tahay mid dunida oo dhan saameyn ku yeelatay hadii sidan lagu sii fiirsadana ay noqon doonto mid dib looga shalaayo.

David Cameron wuxuu sidoo kale sheegay in shirkani uu yahay fursad weyn oo Soomaaliya heshey, isagoo intaas raaciyey in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga caawiyo sidii ay cagaheeda isugu taagi lahayd si ay aayaheeda uga tashato.

Cameron wuxuu dhinaca kale soo hadal qaaday Al-shabaab iyo Burcad-badeeda oo uu tilmaamay inay qayb ka yihiin dhibaatooyinka xiligan dalka Soomaaliya ka jira, Ra’iisul wasaaraha Ingiriisku wuxuu hadalkiisa kusoo afmeeray in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in dhamaan madaxda Soomaalidu ay shirkan joogaan.

Qaramada midoobey:

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon oo isna si kooban u hadlay ayaa xusay inay haboon tahay in mudnaanta 1-aad la siiyo sidii ammaanka loo xoojin, wuxuuna ku baaqay in la taageero ciidamada DKG ah ee Soomaaliya ee ka garab dagaalamaya kuwa AMISOM si ay sugidda amniga kaalin muuqata uga qaataan.

Ban Ki Moon wuxuu tilmaamay in weli dalka Soomaaliya ay saboolnimo xoogani ka jirto weerarada Burcad-badeeduna ay sii kordhayaan, wuxuuna ugu danbeyntii u mahad celiyey dowladda Britain oo iyadu shirka maanta bilowday martigelisey iyo wadamada kale ee Soomaalida dersika la ah kuwaasoo uu xoghayuhu sheegay inay gacan ka geysanayaan sidii Soomaaliya xasilooni loogu soo dabbaali lahaa.

Madaxweyne Shiriif:

Madaxweynaha DKG ah ee Soomaaliya Shiriif Sheekh Axmed ayaa intaas kadib hadalka qaatay wuxuuna ugu horeyn u mahad celiyey dowlada Britain iyo dhamaan madaxda shirkan ka qayb gelaya, isagoo sheegay in shirkani uu yahay ay umadda Soomaaliyeed rajo weyn ka qabto.

Madaxweyne Shiriif wuxuu sidoo kale ku taliyey arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin:

  • In la xoojiyo ciidamada nabad ilaalinta iyo kuwa DKG.
  • In Soomaaliya laga qaado cuna qabataynta hubka.
  • Iyo in beesha caalamku ay xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya si looga baxo marxaladda KMG ah.

Shiriifka oo luqadda Carabiga ku khudbadeeyey wuxuu docda kale tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ay ka mideysan tahay soo celinta amniga iyo qarannimadii Soomaaliya, isagoo tibaaxay waxqabadyadii ugu muhiimsanaa ee ay dowlada KMG ahi samaysay mudadii dhowrka sano ahayd ee ay jirtey.

Maraykanka:

Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka Hilary Clinton ayaa iyana sheegtay inay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya laga taageero dhinacyo badan si ay hurmar u gaarto maadaama ay soo dhowdahay xiligii uu dhamaan lahaa wakhtiga KMG oo ku beegan bishan Augst si loo gaaro dowlad Soomaaliyeed oo joogto ah.

Hilary Clinton waxay sheegtay in maraykanku uusan marnaba ogolaan doonin in la kordhiyo wakhatiga dowlada KMG ah islamarkaana cunaqabaytan lagu soo rogi doono cid walba oo isku dayda inay talaabadaas ku dhaqaaqdo.

Xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanku waxa kale oo ay sheegtay in dowlada Maraykanku ay diyaar u tahay inay dowlada iyo bulshooyinka Soomaalida ahba ka taageerto dhinaca horumarka sida waxbarashada iyo abuurista kaabeyaal dhaqaale oo xoogan.

Clinton ayaa ugu danbeyntii sheegtay in Maraykanku uu soo dhoweynayo cid walba oo dhaliisha hogaanka Al-shabaab waxayna ku tilmaantay Al-shabaab iyo Al-qaacida oo dhowaanta midoobey inay yihiin wax laga soo gubey.

Qatar:

Ra’iisul wasaaraha dalka Qatar Hamad bin Jassim bin Jaber bin Muhammad Al Thani oo Clinton kadib hadalka qaatay ayaa u mahad celiyey dhamaan kasoo qayb galayaasha shirka, wuxuuna ku taliyey inay lagama maarmaan tahay in la sameeyo ciidamo badeed oo ay Soomaaliya yeelato si Burcad-badeeda loola dagaalamo dhalinyarada Soomaaliyeedna shaqooyin loogu abuuro, Hamad Bin Jassim ayaa ugu danbeyntii sheegay in xal u helidda dhibaatooyinka dalka Soomaaliya ay tahay mid ay Soomaalida keliya go’aan ka gaari karaan.

Turkiga:

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa isna ku dheeraaday waxqabadkii ay dowlada Turkigu bilihii u danbeeyey ka samaysay dalka Soomaaliya wuxuuna sheegay in Turkigu uu Soomaaliya ku bixiyey dhaqaale kor u dhaafaya $300 oo Milyan, dhaqaalahaas oo ku baxay dhinacyada bini aadminimada iyo hurmarinta arimaha bulshada Soomaaliyeed.

Ahmet Davutoglu wuxuu sidoo kale sheegay in Turkigu uu marti gelinayo shir kan dhiggiisa ah oo ka dhici doona magaalada Istanbul June 2012, wuxuuna gagabadii xusay in Turkigu uu taageerayo kordhinta AMISOM iyo tayeynta ciidamo Soomaaliyeed oo u shaqeeya hab madax banaan si ay ammaanka dalkooda gancanta ugu dhigaan.

Itoobiya:

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zanawi oo wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga kadib hadlay ayaa ku dheeraaday howlgalada ay sida wada jirka ah qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya uga wadaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKG ah ee Soomaaliya, howlgaladaas oo ah kuwa la rabo in lagu wiiqo awooda ururka xagjirka ah ee Al-shabaab.

Meles Zanawi ayaa sheegay in Shabaabku ay yihiin urur argagixiso ah islamarkaana ay mudan yihiin in tallaabo adag laga qaado, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu dhinaca kale sheegay in isbedelo xoog lihi ay xiligan Soomaaliya ka jiraan, wuxuuna soo dhoweeyey qaraarka uu golaha ammaanka ee QM ku ogolaaday in la kordhiyo tirada ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya u jooga ee AMISOM.

Faransiiska:

Wasiirka arimaha dibadda ee Faransiiska Allan Juppe ayaa isna sheegay in dowlada Faransiisu ay si weyn shirkan usoo dhoweyneyso islamarkaana ay maqsuud uga tahay, isagoo xusay in Faransiisu uu bixiyey kala bar dhaqalaha uu midowga Yurub Soomaaliya ugu deeqay taasina ay tahay daliil cad oo muujinaya si ay Faransiiska uga go’an tahay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kenya:

Madaxweynaha dalka Kenya  Mwai Kipaki ayaa isna sheegay in shirkani uu qabsoomay xilli ay aad muhiim u ahayd inuu dhaco, wuxuuna mahad balaaran usoo jeediyey dalalka Burundi, Uganda, iyo Djibouti oo ay ciidamo ka jooogaan Soomaaliya isagoo ugu baaqay dowladihii kale ee horay u balan qaaday in ay Soomaaliya ciidamo usoo dirayaan inay balantaas oofiyaan.

Madaxweynaha dalka Kenya wuxuu kaloo soo hadal qaaday shirarkii dib u heshiisiinta ee ay Kenya horay Soomaalida ugu qabatay iyo qaxootiga Soomeeliyeed ee tirada badan ee dalkaas ku sugan isagoo sheegay in tirada dadkaas oo nus Milyuun ka badani ay ku adag tahay in dowlada Kenya oo aan dhaqaale xoogan lahayni ay qaado.

Kipaki wuxuu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in shirka London ay kasoo bixi doonaan qorsheyaal wax ku ool ah oo ku aadan sidii Kenya looga taageeri in qaxootiga Soomaalida ah ay dib dalkoodi hooyo ugu celiso, ugu danbeyntii madaxweynaha Kenya Mwai Kipaki wuxuu taageeray qaraarkii QM ay ku kordhisey tirada ciidamada AMiSOM wuxuuna ugu baaqay ka qayb gelayaasha shirka inay taageeraan sidii Soomaaliya nabad iyo xasilooni loogu soo dabbaali lahaa.

Sucuudiga:

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Sucuudigu oo isagu shirka aan joogin haseyeeshee khadka Telefoonka kaga qayb qaatay ayaa ku dheeraaday kaalinta ay dowladiisu ka qaadatay taageridda dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku daray in Sucuudiga ay go’an tahay inuu mar walba garab taagnaado Soomaaliya si nabad iyo horumar looga dhaliyo.

Talyaaniga:

Guiliomaria Terzi oo ah wasiirka arimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa isna sheegay in dowladiisu ay aad ugu faraxsan tahay is fahanka iyo wadashaqeynta ka dhex bilaabtay dowlada KMG ah iyo qaybaha kale ee Soomaalida, wuxuuna dhinaca kale soo hadal qaaday Burcad-badeeda oo uu tilmaamay inay dhibaato weyn ku hayaan badaha Caalmiga ah ayna tahay in si wada jir ah wax looga qabto.

Jabuuti:

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa sheegay in ujeedada shirkani ay tahay sidii mowqif mideysan ay bulshada caalamku uga qaadan lahayd wax ka qabashada arimaha Soomaaliya, wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in Jabuuti ay taageersan tahay ayna si aad ah usoo dhoweyneyso kaalmeynta iyo kordhinta tirada ciidamada AMISOM.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhinaca kale ugu baaqay  maamulka Somaliland inay wada hadal la furaan DKG ah ee Soomaaliya, isagoo ugu danbeyntii sheegay inay lagama maarmaan tahay in la helo ciidamo Soomaaliyeed oo xilka kala wareega kuwa nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya ee AMISOM.

Comments

comments

Category : UK & Europe, Wararka Maanta.
« »

Comment: