Calendar

Somali Night St. Cloud (Habeenkii Soomaalida St. Cloud) SSA

25615_1328240518697_1011477740_30880629_4301983_nSt. Cloud waxay 50 mile ka xigtaa magaalda Minneapolis waxaa St. Cloud degan soomaali badan oo u badan Arday dhigata Jamacadaha iyo darajooyinka kale ee wax barashada waxaa Ardaydaas ka dhex muuqada ardayda dhigata Jamacada wayn ee Magalada St. Cloud State university, waxay sanad walba soo qaban qabiyaan Habeenka Soomaalida Habeen loogu magac daray oo lagu soo bandhigo Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

waxaa ka soo qayb galada bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magalada iyo Ardayda Dhigata Jamacada iyo weliba bulsho xoog badan oo uga Safarta maagaalooyinka ku dhow dhow St. Cloud sida Minneapolis oo dad badani uga soo baqoolaan habeenkan ay ardaydu Soo bandhigaan.

Habeenkan oo si fiican ay isugu soo dubarideen Somali Student Association oo ah urur ka tirsan Jamacada waxay hada maryaan sanadkii sadexaad oo ay xafladan qabtaan waxayana balan qaadeen in ay tan mid ka fiican u soo bandhiigaan dadka ku nool St. Cloud oo danaynaya Hidha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Run ahaantii wuxuu ahaa habeen la xasuusto sida uu u socday Barnaamijka la soo bandhiga isagoo ka koobnaa Ciyaaro Gabayo Heeso iyo barnaamijyo badan oo si fiican loosoo qaabyey waxaan la ilaabi karin oo wadcaro ka dhigtay Goobtaas Fanaanda weyn ee Saado Cali Warsame oo si fiican uga tuntay Goobtaas heeso wadani  ah iyo kuwa Jacayal ahba laguna soo dhaweyey gacmo furan.

Wuxuu ahaa habeen la xasuusto waxana mahada leh dhalintii wakhtiga gelisay qaabayantiisa waxaan isku dayanaa in aanu Bartamaha idiinku soo bandhigno Fiidyowyadii laga soo duubay haatan ku siisuga Sawiradii aan ka soo qadnay Halkan ka daawo

25615_1328238918657_1011477740_30880593_1522803_n25615_1328239438670_1011477740_30880603_7906004_n25615_1328242518747_1011477740_30880674_7193052_n25615_1328243278766_1011477740_30880692_5668208_n

25615_1328240358693_1011477740_30880625_7410446_n

Halkan ka daawo

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Minnesota, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: