Calendar

Ururka Geeska Afrika oo eegaya codsiga Soomaaliya

Hogaamiyaasha Bulshada Geeska Afrka [EAC] ayaa u gudbiyey golaha wasiiradda ee kamid ah [EAC] iney eegaan codsiga wadanka Soomaaliya ee iney kamid noqdaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa si ramsi ah ugu cudbisay iney kamid noqotey ururka ganacsadiga eek u bahoobeen wadamada Geeska Afrika.

“Waxa si dhaw ula shaqeyneesa Soomaaliya. Wasiiradda waxaa ay soo cadeyaan sida ay Soomaaliya uga qeyb noqon karto EAC” ayaa lagu yiri war murtiyeed uu soo saarey xog-hayaaha guud ee ururka ay kubahoobeen wadamada Geeska  Afrika.

Warbixinada la helayo ayaa sheegaya in go’aankaan uu ka danbeeyay sidii dadka ganacsatadda ee ku wadamada ay caqabado ku imaatey iney alaabahooda u dhoofiyaan Mogadishu iyo Juba oo labadoodaba sooo dalbaday iney kamid noqdaan.

Shirkii 14-aad ee isku yimadaan madaxda ururka Geeska Afrika oo ka dhacayo magalada Nairobi ayaa ku codsadeen iney dowlada Koofurta Suudaan iney soo dhameystirto codsigeeda oona si dhaw ula shaqeyso golaha wasiiradda ee EAC.

“Golaha wasiiradda waa iney bilaabaan wada hadalo ay la galayaan Koofurta Suudaan kadib codsigeedi kamid noqoshada” ayuu yiri Sezibera.

Ururka ay ku mideysan yihiin bulshada Geeska Afrika waxa kamid ah wadamada Burundi, Kenya, Rwanda, Tanzania iyo Uganda, waxana Shantan wadan ay leehyihiin hal suug iyagoona si furan iskugu gudbiya ganacsigooda iyo dhaqdhaqaaqa muwaadiniintooda.

Horaantii bishii March ayay Soomaaliya codsatey iney kamid nqooto marii hormaro baddan ay ka dhacen taas oo u eg inuu wadanka helayo xasiiloni iyo nabad galyo, markii ay muddo badan is dagaalayeen.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: