read more »">
Calendar

Messi – Cayaaryahanka dunida ugu wanagsan taariikhda [SAWIRO+MUUQAAL]

Cayaaryahanka afka hore uga cayaara kooxda Barcelona iyo xulka Argentine Lionel Messi ayaa ku guuleystey abaalmarinta cayaaryahanka aduunka e Ballon d’Or markii afaraad ee is xigta.

Messi oo 25 jir ah waxa uu taariikh cusub inuu si isku xigta Afar jeer ugu guuleystey isagoona sanadkii hore dhaliyey 91 gool.

Waxa kula tartamayay cayaaryahanka ay isku kooxda ka wada cayaraan ee Andres Iniesta iyo cayaaryahanka kooxda Real Madrid C. Ronaldo.

Dhanka Hawenkane, Abby Wambach ayaa ku guuleysatey abaal marinta.

“Dhabta hadii aan idin shego, tani waa aan la aamini karin” Ayuu yiri Messi.

“Waxa rabaa inaan u mahad saaxiibadda kale ee aan isku kooxda nahay ee barcelona – Andres, waxa ay i tahay farxad inaan kula tababarto, dhinacadane ka cayaaro” Ayuu raaciyey. “Sidoo kale waxa xasuusnahay saaxiibadeeda xulka Argentina iyo qof walba oo ila shaqeyay, macalimiinta, shaqalaha, qoyska iyo saaxiibadda. Si gaar ah xaaska iyo wiilkeega” Ayuu ku soo gaba-gabeyay.

Kooxda Aduunka ugu fiican ayaa lagu dhawaaqay oo ku jiraan saddex-da cayaaryahan ee u tartantey cayaaryahanka aduunka.

Gool-haye

Iker Casillas.

Difaac

Dani Alves, Sergio Ramos, Gerard Pique iyo Marcelo.

Khadka dhexe

Xabi Alonso, Andres Iniesta iyo Xavi.

Weerarka

Lionel Messi, Radamel Falcao iyo Cristiano Ronaldo.

DAAWO SAWIRADDA

[slidepress gallery='messi-cayaaryahanka-dunida-ugu-wanagsan-taariikhda']

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Featured, Photos, Sports.
« »

Comment: