Calendar

Madaxweynaha oo ka qeyb galay xiritaanka baarlamaanka

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galey xiritaankii kalfadhigii u socday baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lasoo gaba-gabeyay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u u jeediyay baarlamaanka waxa uu ku amaanay shaqadii ay qabteen mudadii yareed ee ay dhisnaayeen.

”Soomaaliya karaamad iyo ixtiraam ayey u tahay inay leedahay Barlamaan Mas’uuliyad isi saaray. Dastuurka in la dhemeystiro waa waajib saran dhamaan dowladda. Dalka waa in federaal laga dhigo, oo ay six or ah u dortaan shaqsiga hogaaminayo.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayay shaqooyinka baarlamaanka.

Baarlamaanka oo soo xuleyn odayaal dhaqameedyada beelaha Soomaaliya ayaa kalfadhigooda ugu horeyay galey bishii Augst markaas oo ay doorteen gudoonka baarlamaanka, waxana xigey doorashadii madaxtinimada oo Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleystey.

Ansixinta golaha wasiiradda, miisaaniyadaha dowlada, xeer-hoosaadyada baarlamaanka iyo in la dhisay guddiyadii baarlamaanka ayaa aheed shaqooyinkii ugu waawayeenaa ee ay qabteen mudadii bilooyinka yaraa ee ay dhisnayeen.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: