Calendar

Xildhibaano Somaliyeed oo ku sugnaa Kenya oo loo diiday in ay aadan Somalia

Bartamaha(Nairobi):- Xildhibaano ka tirsan barlamanka ku meel gaarka ee Soomaaliya ayaa saaka dib looga celiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi xilli ay ku wajahnaayeen caasimada Somalia ee Mogadishu.

Waxaana xildhibaanadan saaka aroortii hore ay gaareen garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta hase yeeshee waxaa xildhibaanada markii ay gaareen garoonka loo sheegay inay dib u laabtaan maadaama aan la heyn tikeyadii ay ku dhoofi lahaayeen.

Xildhibaanadan oo ka mid ahaa 180 xildhibaan oo ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa maanta oo Talaado ah sida qorshuhu ahaa ku ballansanaa inay u dhoofaan magaalada Muqdisho si ay dib uga qeybgalaan kulamada iyo hawlaha kale ee barlamanka u yaalla.

Shirkadda diyaaradaha ee Juba Airweys ayay aheyd in ay qaado balse ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in ay dib u dhacaan Xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa ka carooday arintaasi iyagoo ku eedeeyey hogaanka barlamanka inaysan masuuliyad iska saarin sidii loo diyaarin lahaa tegitaanka xildhibaanad jooga dalka Kenya. Waxay sidoo kale cabasho ka muujiyeen in lagu balamiyo garoonka halkii tiketyada iyaga loo keeni lahaa si ay ugu safraan.

Xildhibaanadan oo 40 gaaraya ayaa iyagoo careysan dib ugu laabtay hoteladii ay ka deganaayeen magaalada Nairobi, waxaana hadda socda dadaalo dib loogu hagaajinayo khaladaadkii ka dhashay dhinaca safarka taasi oo ay wadaan masuuliyiinta safaarada Soomaalida ee Kenya.

Arintan ayaa soo baxday ka dib markii xildhibaanada Soomaalida ee jooga Nairobi ay shir ay yeesheen 2-dii February ku balameen in ay dalka ku laabtaan kana qeybqaataan hawlaha barlamanka u yaalla.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan qabqabtay xildhibaano ka tirsan dowladda Somalia ee ku sugnaa magaaladda Nairobi.

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

Nairobi-Kenya

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : KENYA, Wararka Maanta.
« »

Comment: