Calendar

Ururka Xisbul Islaam oo eedeeyay dowladda Jabuuti iyo ciidamada AMISOM banaanbaxna ku baaqay.

xisbul_islaam_logoBartamaha (Muqdishu):-Ururka Xisbul Islaam ayaa dhibaatada ka jirta Soomaaliya ku eedeeyay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyagoo dhinaca kalana ku baaqay banaanbax looga soo horjeedo dowladda Jabuuti iyo AMISOM kadib Shir jaraa’id oo maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay xoghayaha Warfaafinta Ururka Xisbul Islaam Sheekh Max’ed Macalin ayaa waxaa uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in dowladaha Afrikanka aysan ciidamo kuwooda ah u soo dirin Soomaaliya iyo in Soomaaliya dhibaatooyinka ka jira uu qeyb ka yahay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Maxamed Macalin wuxuu si kulul u Eedeeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu ku Tilmaamay shaqsi cadaw ku ah Shacabka Soomaaliyeed isagoona uga digay in uu Ciidan usoo diro dalka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho.

“Dowlada Jabuuti waxay shacabka Soomaaliyeed u muujisay cadawtooyo qota dheer gaar ahaan Taliska ismaciil Cumar Geelle, waxaan ugu baaqaynaa in shacabka Jabuuti ay Wiilashooda ay ka ceshtaan Somalia”ayuu yiri Maxamed Macalin.

Xoghayaha warfaafinta xisbul Islaam ayaa sidoo kale Shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ay soo dhaweynayaan hadalka ka soo yeeray dowladdaNigeria oo ahaa in aysan u soo diri doonin Soomaaliya isagoo ugu baaqay dowladaha kale ee Afrikaanka ah in ay noqdaan sida dowladdaNigeria oo ciidamadooda aysan u soo dirin Soomaaliya.

Hadalkaan maanta ka soo baxay Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa uu imaanaya xili dowlada Jabuuti ay sheegtay in ku dhawaad 500 oo aksari ay u soo direyso Soomaaliya iyadoo shalayna wadanka Uganda ay ka bilaabatay tababar loo furay ciidamo Yugandhes ah oo la doonayo in bil kadib la keeno Soomaaliya kuwaasi oo ka mid noqon doona ciidamada AMISOM ee hada jooga Soomaaliya.

Ibraahim Da’ud Abdalle
[email protected]
Nairobi-Kenya

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: