Calendar

Yuusuf Indha Cade oo u gacan haatiyay Saraakiishii Xizbul Islaam.

indha caddeBartamaha (Muqdisho):- Hogaamiye Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa u gacan haatiyay raggii Xizbul Islaam ee danta ay biday in ay shabaab isku dhiibaan.

Yuusuf Indha Cadde ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in uu diyaar u yahay soo dhawaynta saraakiishii Xizbul Islaam ee isku dhiibay Alshabaab waxaana uu ka dalbaday in ay isaga u yimaadaan.

Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa waxa uu sheegay in ciidamadii Xisbu Islaam aysan ayagu ku biirin Al-Shabaab laakiin si xoog ah lagu maquuniyay la shaqeynta shabaabka taasi oo uu sharci daro ku tilmaamay.

Sheekh Indha Cadde waxa uu dalbaday dhammaan raggii Xizbul Islaam in uu soo dhawaynayo waxaana uu sheegay in aan la qaadan Karin la shaqeynta shabaab balse uu sheegay in uu Xizbigiisa soo dhawaynayo dhalinyardii Xizbul Islaam iyo saraakiisha aan ku qanacsanayn la shaqeynta shabaabka.

Hadalka Indha cade ayaa imaanaya xilli saraakiil Xizbul Islaam ah ay weli ka caga jiidayaan aqbalida la shaqeynta shabaabka taasi oo keentay in uu isaga oo ka madax banaan dowlada uu u gacan haatiyo.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: