Calendar

Arsenal Oo Indha Ku Heysa Laacibka David Villa

Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Barcelona David Villa, sida ay qortay Daily Mail.

Arsene Wenger iyo shaqaalihiisa kooxda ayaa ka wadahadlay inay Janaayo u dhaqaaqaan David Villa, iyadoo weeraryahanka uu sannado badan diirada u saarnaa Gunners.

Gunners ayaa dooneysa inay 31 jirkaan amaah ku qaataan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo heshiiska amaahda lagu darayo fursad ah inay si joogta ah u la wareegaan taasoo ku xirnaan doonta sida uu u la qabsado Premier League.

Laakiin hadii qiimo ay aqbali karaan ay ku helayaan, waxa ay Arsenal dooneysaa inay bisha Janaayo si joogta ah u la soo wareegaan.

 

Warar ka soo baxaya Spain ayaa tibaaxaya in Barcelona laga yaabo inay iska fasaxdo Villa, madaama uusan boos joogta ah ka heysan kooxda.

Wenger ayaana haatan ka sii fiirsanaya ciyaaryahankii uu ku adkeyn lahaa weerarkiisa.

Klass-Jan Huntelaar, Adrian Lopez iyo Edin Dzeko ayaana u ku liiska Wenger, halka Thierry Henry uu isna yahay dooq kale oo amaah ay ku soo qaadan karaan.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: