Calendar

Jose Mourinho: Janaayo Waxba Ma Soo Iibsan Doono, Ricardo Kaka Isna Meel Uma Socdo

Real Madrid ayaan kooxdooda xoojin doonin bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga, islamarkaasna ciyaaryahanka aan fursadaha badan helin Kaka waxa ay u badan tahay inuu joogi doono, sidaasi waxaa yiri Jose Mouirnho.

“Uma maleynayo inaan sameyn doono wax dhaqdhaqaaq ah bisha Janaayo” ayuu Mouirnho ku sheegay shirkiisa jaraa’id ka hor kulanka ay caawa la ciyaarayaan Malaga.

“Mana aaminsani in Kaka uu ka baxayo isna” ayuu hadalkiisa raaciyay tababaraha reer Portugal.

 

“Hadii uu joogo waxa ay u fiican tahay kooxda.”

Kaka ayaa Real kaga soo biiray AC Milan adduun lacageed oo gaaraya 67 milyan euro 2009kii, laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu dib u helo qaab ciyaareedkii uu ciyaaryahanka sannadka adduunka ugu guuleystay 2007dii, isagoo dhanka doorashada khadka dhexe ka danbeeya Mesut Ozil iyo ciyaaryahanka ay xagaagii la soo wareegeen ee Luka Modric.

30 jirkaan ayaa ku soo bilowday kaliya hal kulan oo La Liga ah, labo kulan oo Champions League ah iyo hal kulan oo Coppa del Rey ah, laakiin waxa ay u muuqataa inuu kooxda sii joogi doono islamarkaana u dagaalami doono inuu booskiisa dib u helo.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: