Calendar

Chelsea Weli Kama Dhamaan Jaceylkii Ay U Qaadeen Luka Modric

Kooxda Chelsea ayaa mar kale dib u soo nooleysay wadahadalo ay la yeelaneyso xidiga kubad sameeyaha kooxda Real Madrid Luka Modric , iyadoo laacibkaan ku fashilmay Real ay Chelsea ku dooneyso qiimo ka yar kii xiligii Tottenham uu joogay ay ku rabeen , iyadoo uu gaarayo 25-milyan oo gini.
Chelsea ayaa xagaagii 2010-kii si weyn isugu dayday soo xero gilinta laacibkaasi balse waxaa gaashanka ku dhuftay damacaas madaxa kooxda Tottenham , waxa ayna xiligaas la waalanayeen aduun gaaraya 40-milyan oo gini.
Baahida Chelsea ayaa soo baxeysa xiligaan iyadoo kooxo kala duwan iyana markaan u wada baahi yihiin waxaana ka mid ah kooxaha United iyo Man City , waxaana lala leeyahay Chelsea waxa ay dooneysa in Modric uu u buuxiyo booska uu baneenayo Frank Lampard oo kooxda ka socda.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: