read more »">
Calendar

Dowlada oo cambaareysay weerarkii Faransiiska ee Buula-Mareer

Shir ay iskugu yimadeen golaha wasiiradda, xalayto ayaa uga hadleen weerarkii ay ciidamada kumaandooska Faransiiska ay ku qaadeen xarun ay kooxda Al Shabaab ay ku laheed magalada Buula Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ra’isal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya, ahna wasiiradda arimaha dibadda Marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa cambaareysay weerarka, oo sheegtey inuu yahay xadgudub.

Marwo Fowziya ayaa xustey ineysan raali ka aheen dowlada weerarkii ka dhacay Buula-Mareer oo ciidamada Faransiiska ay geeysteen, dowladane aan lagu soo wargalin.

Ciidamada Faransiiska ayaa doonayay iney la baxaan sarkaal ka tirsan ciidamadooda sirdoonka oo muddo 2-sano ka badan ku afduuban wadanka Soomaaliya, ayna haystaan kooxda Al Shabaab.

Inta la ogyahay, mid kamid ah askartooda Kumaandooska ayaa geeriyootey, halka la haystihii la doonayay in lasoo furto laga cabsi qabo inuu dhintey, walow ay al Shabaab sheegteen inuu noolyahay, isla markaane ay gacanta ku dhigeen askari kale.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: