Calendar

Ciidamada Itoobiya oo si joogaya Soomaaliya

Ra’isal wasaaraha wadanka Itoobiya oo ka hadlayay shir jaraa’id  ay si wada jir ah u wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya oo jooga Adis ababa waxa uu sheegay in ciidamadiisa ay sii joogi doonaan meelaha ay uga sugan yihiin Soomaaliya.

Hailemariam Desalegn waxa uu sheegay in ciidamadiisa ay joogayaan Soomaaliya inta ay ciidamo ka socda AMISOM ay kala wareegayaan meelaha ay haatan ku sugan yihiin.

“Waxa aan sugaynaa ciidamada AMISOM iney yimaadaan oo na badalaan, inta xilligaas laga garayo waan sii joogaynaa” ayuu u sheegay wariyaasha RW Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo isna ka hadlay shirka jaraa’id waxa uu sheegay iney bog cusub ay furtey dowlada itoobiya wallow ay jirtey taariikh hore oo adag oo labada dal soo dhex martey.

“Itoobiya way cadeysay iney ka gudubtey wixii hore u dhacay, anigoo ahna madaxweynaha Soomaaliya waxa isticmaali doonaa fursadaas si Soomaaliya oo fiican loo heli lahaa” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dowlada Itoobiya waxa ay u balan qaaday Soomaaliya iney ka taageri doonto dhisida hay’adaha dowlada iyo ciidamada oo sheegtey iney muhiim tahay in dowlada laga taagero si nabadda ay u xaqiijiso.

“Khbradeena dhisida hay’adaha ee 20-kii sano ugu danbeysay waxa diyaar u nahay inaan dowlada ku taagerno adeegyada rayidka – waxa diyaar u nahay inaan tababar siino saraakiisha ciidamada Soomaaliya” Ayuu ka yiri shirka jaraa’id RW Hailemariam.

Itoobiya ayaa horey waxa ay taagero u siin jirtey hogaamiye kooxeedyadii hore iyadoona ay ciidamadeeda soo galeen Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 2006-da markaas oo awooda ay ka tureen golihii maxkamadaha rayidka ee gacanta ku hayay inta badan koofurtta iyo bartamaha Soomaaliya.

Heshiis ay galeen dowladii markaas jirtey iyo ururkii mucaaradka ee lagu dhisay Ereitaria ayaa waxa ay keentey in mucaaradka ay la wareegaan madaxtinimadii oo ciidamadii Itoobiya ay ka baxaan wadanka bilowgii 2009-ka markaas oo Al Shabaab ay awood yeesheen.

Ciidamada Itoobiya ayaa haatan ku sugan qeybo kamid ah koofurtta iyo bartamaha Soomaaliya halkaas oo ka saareen meleeshiyaadkii Al Shabaab ee hore ugu sugnaa, waxana ay qeybo kamid ah meelihii ay horey u hayeen oo kamid tahay Baladweyne ay ku wareejinayaa AMISOM.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured.
« »

Comment: