Calendar

Faroole oo ka badbaaday Qarax


Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdi raxmaan Maxamed Faroole ayaa ka badbaaaday qarax, xilli kolenyo gawaari oo waday ay kusii jeeden magalada Boosaaso.

Cabdi raxmaan Faroole ayaa haatan jooga Boosaaso halkaasi uu kazoo jeeday isagoo kazoo amba-baxay deegaanka Carmo uu ku sugnaa maalmihii ugu danbeyay, iyadoona qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Laba-Waanley oo duleedka Boosaaso,

Sababta dhalisay qaraxa ayaa la garanayn iyadoona ay jiraan warar kala duwan oo kazoo baxayo oo qaarkood sheegaya in qaraxa ka dhashey markii askari la socday Faroole uu ka baxsatey waxyaalaha qarxa, sidaasna uu ku dhacay qaraxa.

Waxa jira qasaaro naf iyo maal ah oo ka dhashey qaraxa oo wali aan la xaqiijin Karin inta uu la egyahay waxaana la sheegayaa in dhaawacyada qaar la geyay isbitaalka Boosaaso.

Maalmihii ugu danbeyay ayuu madaxweynaha maamulka Puntland waxa uu sheegayay iney kooxda Al shabaab oo dhul badan oo ka talinayeen laga qasaday koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ay awoododa iskugu keenayaan deeganada Puntland ee xuduuda la leh Somaliland.

Faroole oo ka hadlay Boosaaso ayaa digniin u jeediyay siyaasiyiin reer Puntland ah oo sheegay iney abuuraayaan qalalaaso iyagoo eeganayo danahooda gaarka ah.

Amaanka Puntland ayaa aad u wanagsanayn iyadoona mararka qaar ay dhacaan dilal qorsheesan oo shaqsiyaad saameynta leh lala eeganayo taas oo wali aysen maamulka uu wali wax ka qaban.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: