Calendar

Goob joogayasha caalamiga oo amaanay dorashada Somaliland

Shir jaraa’idd oo ku qabteen magalada Hargeysa ayay ku amaanayn sidiiay u dhacday doorashadii deegaanka eek a dhacday Somaliland.

Goob joogayaasha caalamiga ah oo booqday meelo badan oo codeyta ka socotay shalayto ayaa sheegay iney arkeen dad weyne faro badan oo usoo baxay iney codeeyaan, gaar ahaan dhalinyaro iyo haweyn oo ka qeyb galayay.

Waxa  ay sheeegayn in haweyn iyo dhalinyarada ay ku jireen dadka tartamayay kuwaas oo aheed guul ay gaartey Somaliland.

Waxa kale oo ay amaanayn guddiga doorashada oo qaban qaabadooda ay sheegayn iney wanagsaneed wallow ay sheegayn iney waxooga buuq ay jirtey balse si guud ay doorashada si nabdoon ku soo gaba-gaboowday.

“Xilli hore waaye inta laga hadli karo dorashada si guud laakin waxa ay aheed mid nabadeeed ku dhacday wallow marka laga reebo waxooga qas ay ka jireen meelaha ay doorashada” Steven oo ah  xiriiriyaha goob joogayaasha.

Goob joogayaasha caalamiga ah ayaa balan qaaday iney faahfaahin guud ay soo saari doonaan maalinta Isniinta o uga hadlayaan guud ahaan sida doorashada u dhacday.

Tirinta codadka ayaa ka socota degmooyinkii ay doorashada ka dhacday iyadoona guddiga doorashada ay balan qaadayn iney shaaci doonan sida loo kala helay todobaad gudaheeda.

Hadal-heynta dadweynaha ayaa waxa ay tahay doorashadii ka dhacday Somaliland iyadoona dadka ay isweedinyaan cidda ku guleysatay deegaankooda iyo 3-dax xisbiga ee kazoo baxayso 7-da urur eek a qeyb galay doorashada.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: