Calendar

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Horyaalka Premier League Ee Kooxda Chelsea v Southampton.

Kulanka: Chelsea v Southampton

Garoonka: Stamford Bridge

Waqtiga: 22:45 p.m xilliga Soomaaliya

Kulankaan ayaa ah mid Chelsea iyo Southampton u baaqday horyaalka Premier League markii Chelsea ay ka qeybgaleysay koobka Club World Cup ee bishii December ka dhacayay Japan.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

 

 

CHELSEA

Cech
Ivanovic, Terry, Luiz, Cole
Ramires, Lampard
Hazard, Mata, Bertrand
Ba
SOUTHAMPTON

Boruc
Clyne, Yoshida, Hooiveld, Fox
Puncheon, Cork, Schneiderlin, Ramirez
Rodriguez
Lambert

Kabtanka Chelesea John Terry ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulankiisii ugu horeysay tan iyo bishii November ka dib markii uu dhaawac jilibka ah ka soo laabtay isagoo bedel ku soo galay kulankii Stoke.

Gary Cahill ayaa diyaar ah ka dib markii uu kulankii sabtida ku seegay dhalashada wiilkiisa, halka Demba Ba iyo Fernando Torres ay labadoodaba taam yihiin.

Southampton ayaa laga yaabaa inuu ka maqnaado daafaca bidix Luke Shaw, kaasoo dhaawac jilibka.

Jose Fonte iyo Adam Lallana ayaa weli dhaawac ah, halka Emmanuel Mayuka uu ku maqan yahay koobka qaramada Afrika.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: