Calendar

Faramuggo (Octopus) sheega kooxda badinaysa ciyaaraha K. Cagta oo ilaa iyo hadda aan marnaba khaldamin (VIDEO)

Germany Soccer WCup Octopus OracleFaramuggadan ma nasii baa wada mise meel kaluu wax ku ogyahay?.

Faramuggada lagu magacaabo Paul oo sii sheega kooxda maalintaas ku guulaysanaysa ciyaarta dhacaysa (ciyaaraha Adduunka) ayaa ciyaarkasta oo uu saadaaliyo ku soo baxaysa sax, dadkuna waxay la yaaban yihiin sida xaalku yahay iyo sababta uu mar walba u haleelayo kooxda guulaysan doonta.

Arrintan oo dadka qaar ay is leeyihiin wax kama jiraan iyo maalaa yacni ayaa noqotay mid dad aad u badan ay il gooni ah ku fiirinayaan faramuggadan oo mar kasta sheegaysa siday ciyaartu ku dhamaanayso, taasna waxaa markhaati ka ah markii uu sheegay in Jarmalka ay Spain ka badin doonto ayaa dad badan oo Jarmal ah ay run u qaateen.

Faramuggadan ayaa ku nool magaalada Oberhausen, Jarmalka, dadka Jarmalka ah ayaa ka murugsanaa kadib markuu doortay Spain inay badinayso (ciyaartii dhex maraysay Jarmalka iyo Spain), xitaa TV-yada Jarmalka ayaa warkoodii joojiyay si ay u sheegaan saadaasha Faramuggada la dhaho Paul, taasina waxay ku tusaysaa in si aad ah loo rumaysan yahay. Isla mar ahaantaasna waxay ciyaartii ku dhamaatay in jarmalka ay Spain ka badiso 1 – 0.

Sida uu Paul ku sameeyo saadaashiisa ayaa ah — waxaa laba sanduuq oo gudaha waxa ku jira la arki karo lagu dhajiyaa labada calan ee kooxaha ciyaaraya, Paul ayaa lagusoo fasaxaa labada sanduuq, kii uu korka ka fuulona waxay noqotaa mida badin doonta. Ilaa iyo hadda Paul muusan khaldamin oo sax ayay kusoo baxdaa mar walba.

Haddaba waxaa lays weydiinayaa kama dambaysta koobka kubadda cagta ee adduunka oo ay ciyaarayaan Spain & Holland kooxdeebuu sheegi doonaa inay badin doonto oo guushu ay raaci doonto. Mise sheekadani waa nasiib.

Looge looge, Looba joogee.

Hoos ka daawo Paul oo sheegay in Jarmalku uu ka badin doono Argentina.

Comments

comments

Category : Ciyaaraha [ Sports ], Wararka Maanta.
« »

Comment: