read more »">
Calendar

Kulankii Safiirka Cusub iyo Jaaliyada Doha, Qatar (SAWIRO)

DSC_0606Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday badhtamaha magaalada Doha, Qatar, safaarada ay Soomaalidu ku leedahay wadanka. Ujeeddad xafladan ayaa ku saabsanayd soo dhaweyn loo sameeyey Safiir cusub oo loo soo magacaabay, safaarada Soomaalida ee ku taala Doha, wadanka Qatar.
Fadlan halkan ka daawo sawiradii oo dhan: Sawirada
Fadlan halkan ka daawo video:Daawo
Xafladan ayaa waxa soo abaabulay mas’uuliyiintii hore u joogtay safaarada iyo jaaliyada Soomaalida ee degan Doha, Qatar. Intii safiirkan loo soo magacaabay ayuu waxa uu dib u dhis (Dayactir) ku sameeyey safaarada. Sidoo kale waxa loo saaray gudi soo abaabula xafladan oo isugu jira mas’uuliyiinta safaarada, gudida jaaliyada, iyo ardayda iskuulada.
Xafladan ayaa waxa ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee Doha, Qatar, oo ka hadlay Safiiradii hore iyo waxa ay qabteen iyo sidii ay ula shaqeeyeen jaaliyad ahaan. Sidoo kale waxa ka hadlay Qunsulka u fadhiya Saafaarada Soomaalida Doha, Qatar Mukhtaar Ali Yusuf, oo ku soo dhaweeyey makarafoonka Safiirka, una mahad celiyey jaaliyada Soomaalida sida ay xilka isaga saareen soo dhweynta Safiirka cusub.
Ugu danbeyntii safiirka ayaa u mahad celiyey jaaliyda Soomaalida una balan qaaday in uu laba qodob culayska saari doono: Waxbarashada iyo Visaha. Waxa uu carabka ku dhuftay in ardayda dhib ka haysto sidii ay iskuulada uga heli lahaayeen wadanka, maadaama aysan iska bixin karin. Waxana uu balan qaaday in uu dowlada ka codsan doono in Soomaalida degan Doha looga dhigo iskuulada bilaash. Sidoo kale waxa uu yiri waxa aan wasaarada arimaha dibada ka codsanayaa in Soomaalida la siiyo visaha oo loogu dhufto baasabooradooda. Safiirka ayaa kula dardaarmay Soomaalida in ay gacmaha is qabsadaan oo ay yeeshaan hal safaarad iyo hal jaaliyad.

DSC_0608DSC_0633DSC_0636
Abdimalik Askar
Somali Media
[email protected]

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: